Home Wararka Somaliya Somaliland Ganacsade xalay Dabkii ka Kacay Hargaysa Ku waayay lacag ku Dhaw Haaf...

Ganacsade xalay Dabkii ka Kacay Hargaysa Ku waayay lacag ku Dhaw Haaf milyan Doolar

0

Waxaa xalay Suuqa Waaheen ee kuyaala magaalada Hargeysa ka kacay dab xooggan oo geestay khasaaro badan oo hantiyadeed, waxaana dabkan lagu guul dareestay in si degdeg ah loo damiyo.

Dabka ayaa ku faafay qeybo badan oo kamid ah suuqa Waaheen, waxaana gaadiidka dabdamiska ku adkaatay in ay gaaraan goobaha ganacsi qaar uu dabku qabsatay taa oo keentay in dabka kusii faafo goobo kale oo hor leh.

Khasaaro malaayiin dollar ah ayaa ka dhashay dabka xalay qabsaday suuqa waaheen, waxaana dabkaasi ku ceertoobay ganacsato badan oo halkaasi ku lahaa mehrado ganacsi kuwaa oo saakay ka fara maran hantidii ay lahaayeen.

Ganacsade Baashe Bushaaro waxa uu kamid ahaa ganacsatada ku ceertoowday dabka ka kacay suuqa Waaheen, waxaana ganacsadahan ka gubtay dhammaan 10-dukaan uu ku lahaa gudaha Suuqa .

Baashe Bushaare ayaa warbaahinta u sheegay in dabka ka kacay suuqa magaalada Hargeysa uu ku waayay aduun lacageed oo ka badan  $400,000 (Afar boqol oo kun oo Doollar), waxa uuna ku eedeeyay dowladda hoose in ay ku fashilantay daminta dabka.

Waxa uu ku eedeeyay ganacsadaha in duqa magaalada Hargeysa iyo madaxda kale ee dowladdaha hoose dhoor mar loo geeyay cabasho la xariirta in suuqa waddooyin loo bixiyo si u sahlanaato hadii dab kaco in durba la damiyo.

“Khasaaraha waa mid baaxad weyn, waana wax Qadar alleku kacay iyo dedaal xumo weyn uu sameeyay Maayirka oo u taak heli waayay oo waxaa la waayay meel laga galo & meel laga baxo, waxa aan ku lahaa 10 Meherad oo dhammaan gubtay waxa saameyn gaar ii ah lacag qiyaastii $400,000, alle ayaan weydiisaneynaa Caawinaad” ayuu Yiri Ganacsade Baashe Bushaaro.

Suuqa magaalada Hargeysa ayaa maanta la galiyay xaalad bandow ah, waxaana ka howlgalaya kaliya ciidamada ammaanka iyo kuwa dabdamiska, maamulka magaalada Hargeysa ayaana sheegay in la xiri doono qofkii suuqa saakay lagu arko.

Ad
Previous articleXildhibaano Ka Tirsan Labada Aqal oo Maantay Shahadaada Xildhibaanimo Qaatay iyo Kuwa Gakmudug lagu Doortay oo ka mid noqday(Sawiro)
Next articleMaamulka hirshabeele oo ka Horyimid Go,aankii Gudiga Doorashooyinka FIET

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here