Home Wararka Maanta Galmudug sidee Looga xusay 1da Luuliyo (Sawiro)

Galmudug sidee Looga xusay 1da Luuliyo (Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu maamuusayey 62 guuradii kasoo wareegtay midnimada Soomaaliya iyo madax- bannaanida Gobolada Koonfureed ee 1da Luuliyo taas oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Munaasabadan oo aheyd mid balaarran, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa; Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, Xubno ka tirsan aqalka sare ee BFS, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Maamulka Iyo shacabka caasimadda, iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida.

Ad