Home Wararka Maanta Galmudug oo Odayaal ku xirtay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb

Galmudug oo Odayaal ku xirtay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb

0

Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada GalmudugĀ  ku xiray qaar ka mid ah odayaal dhaqan oo shir ku yeeshay magaalada dhuusamareeb, sida ay ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Warbaahinta

Odayaasha la xiray oo gaaraya illaa 9 ayaa shirkooda uga hadlay xiisadda ka dhex-oogan maamulka Galmudug iyo kooxda Ahlu-Sunna, ayaga oo soo jeediyey in wada-hadal lagu dhameeyo, oo aan dagaal loo adeegsan.Ā 

Odayaasha ayaa la geeyey saldhigga booliska magaalada Dhuusamareeb, waxaana Halkaasi lagu waydiiyay Su’aalo ku saabsan Shirkooda iyo waxa ay uga hadleen.

 

Sababta odayaasha loo xiray ayaa lagu sheegay inay tahay soo jeedintooda ku saabsan wada-hadallo lala galo, taasi oo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu kasoo horjeedo.

Axmed Qoor Qoor ayaa la sheegay inay ka goā€™an tahay inuu dagaal ku qaado magaalada Guriceel oo ay haystaan Ahlu-Sunna, wuxuuna wada-hadal lala galo kooxdaas shuruud uga dhigay inay marka hore soo wareejiyaan gacan ku haynta magaalada.

Dagaalka uu Qoor Qoor doonayo inuu ku qaado Ahlu-Sunna ayaa horey u sababay inuu is-casilo wasiirkii amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi, oo ku gacan seeray dagaal loo adeegsado kooxda, kuna baaqay wada-hadal.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleMadaxweynaha Kenya oo ka hadlay Go’aankii Maxkamada ICJ
Next articleGaroonka Diyaaradaha Gurceel oo Muddo 20 Maalin ah Xiran