Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo Maamuus Lagu Xasuusan Doono Taliye Suulnuug Samaysay

Galmudug oo Maamuus Lagu Xasuusan Doono Taliye Suulnuug Samaysay

0

Wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa caawa soo saaray warqad uu ku shaaciyey in dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee degmada Xarardheere loogu magacdaray Shahiid Taliye Cabdi Maxamed Suulnuug, Abaanduulihii guutada 18-aad ee Gorgor.

Wasiir Dhoore ayaa shaaciyey in Madaxweyne Qoorqoor uu soo jeediyey in dugsigaas loogu magacdaro Taliye Cabdi Suulnuug, maadaama uu naftiisa u huray dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, in dugsigaan loogu magacdaray Taliye Suulnuug waxay ku soo aadeysaa sanad kadib markii ciidan uu hoggaaminayo ay Al-Shabaab ka xoreeyeen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

16-kii bishii Janaayo 2023 ayuu Cabdi Suulnuug kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey degmada Xarardheere oo 15 sano ay kooxdu maamuleysay, kuna dhibaateyneysay shacabka degan iyo kuwa farada ku mara.

“Geesinimadii iyo ka go’naashihii halganka ee Gaashaanle Cabdi Suulnuug waxay tusaale u tahay ruuxda adkeysiga iyo nabad ku soo dabaalidda dalka ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, magac bedelka dugsiga Xarardheere ee uu madaxweynaha ku maamuusay halyeygaas ma bixineyso kaliya ixtiraamka halyey qaran, laakiin waxay muujineysaa sidii xushmad iyo qadarin loogu sameyn lahaa saraakiisha qaranka ee cadowga hortaagan hadda iyo mustaqbalkaba,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday wasaaradda waxbarashada Galmudug.
Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku sii daray, “Magac bedelka dugsigaan waxay kobcin doontaa dareenka wadaniyadda iyo hanka bulshada dhexdeeda ah, waana abaal ku haboon halyey qaran oo wax qabadkiisu raad aan la ilaabi karin ku reebay taariikhda umadda Soomaaliyeed.”

Allaha u naxariistee Taliye Suulnuug ayaa abaalweyn ku lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabeele iyo Galmudug oo ugu dambeyntii lagu dilay, si gaar ah ayuu ugu hagar baxay reer Galmudug, markii dib loo eego shaqada baaxadda weyn ee uu qabtay.

Wuxuu ahaa sarkaal geesi ah, dagaal yaqaan ah, ciidanku jeclaayeen hoggaamintiisa, cadowguna aad u necbaa, maadaama uu ka saaray, ku laayey, kuwa baacsaday dhul badan, geerida Suulnuug ayaa gilgishay quluubta Soomaalida ku jirta jihaadka Khawaarij iska xoreynta ah.

6-dii bishaan Janaayo ayaa Taliye Suulnuug lagu dilay dagaal uu hoggaaminayey oo ka dhacay buuraha Jeexjeex dhanka waqooyi ka xiga magaalada Caad ee gobolka Mudug, waxaana meydkiisa lagu aasay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Qoryooley
Next articleRaysal wasaaraha UK oo ka jawaabay soo jeedin la xirriirtay aqoonsiga Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here