Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo Maalmaha Soo Aadan Dagaal Culus Markale ka Bilaaban Doono

Galmudug oo Maalmaha Soo Aadan Dagaal Culus Markale ka Bilaaban Doono

0

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale dib u bilaabeysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, ee wali ku xooggan deegaanno iyo degmooyin katirsan maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug.

Ciidanka xoogga dalka ayaa guulo waa weyn horey uga gaaray howlgallo ay ka sameeyeen deegaannada Hirshabelle iyo Galmudug, hasa ahaatee ciidamada ayaa dib uga soo baxay degmooyin iyo deegaanno ay Al Shabaab horey uga qabsadeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqday xeryo milatari oo kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa halkaasi kasii sagootiyay ciidamo cusub oo loogu tala galay in ay hoggaamiyaan howlgalo cusub oo bilaabanaya.

Ciidankan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh kula dar daarmay in ay soo afjaraan kooxda Al Shabaab ee wali ku sugan deegaanno dalka katirsan, waxa uuna u sheegay ciidankan furumaha dagaalka loo dirayo in shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan guulo.

Sida aan xoaha ku helnay ciidankan laga sagootiyay Muqdisho ayaa ku biiraya ciidanka jooga furumaha hore ee dagaalka, waxa ayna ciidankan hoggaamin doonaan howlgalo cusub oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaanno ay maamulaan.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr mar qaaday guluf dagaal ayaa guulo wax ku ool ah soo hoyisay, hasa ahaatee guulahaasi ayaan noqon kuwa sii waara, waxaana ciidanka dowladda ay dib uga baxeen deegaanno badan ay Al Shabaab ka saareen.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Gantaaladii Iran oo ku dhacay xeryo milatariga Israel lahaayeen iyo Khasaaraha ay geesteen
Next articleWaa kuwee Magaalooyinka Soomaaliya ee ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee qaba HIV-AIDS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here