Home Wararka Maanta Galmudug oo Fariin u dirtay Madaxweyne Farmaajo iyo Kooxdiisa kadib Doorashooyinka dhacay

Galmudug oo Fariin u dirtay Madaxweyne Farmaajo iyo Kooxdiisa kadib Doorashooyinka dhacay

0

Doorashooyinka Galmudug ayaa soo dhamaaday Badankeeda waxana muuqata in Madaxweyne Farmaajo iyo Xirtiisa ay ku Fashilmeen Doorashada Galmudug.

Galmudug ayaa u muuqata mid Fariin u dirtay Madaxweyne Farmaajo marka la eego sida doorashada u dhacday iyo waxa la filayay Markii hore oo aheyd inay soo baxaan Xubno taageersan Farmaajo.

Ilo Muhiim ah oo u waramay Mudug24 ayaa sheegay in Doorashada Galmudug ay ku soo baxeen Siyaasiyiin kasoo horjeeda Farmaajo iyo sida uu wax ku waday.

Qaabka Galmudug wax uga dhaceen ayaa Fariin kale u ah Maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed kuwaasi oo loo badinayo inay taageero u yihiin Farmaajo.

Marka ay soo dhamaato Doorashooyinka Dalka ayaa lasii ogaan karaa qaabka ay doorashada u dhaceyso iyo Cida Awooda badan ku leh.

 

Ad