Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo Ciidamo u Daabulaysa Caabudwaaq kadib Dilal Farabadan oo ka Dhacay...

Galmudug oo Ciidamo u Daabulaysa Caabudwaaq kadib Dilal Farabadan oo ka Dhacay Magaladaas(Sawiro)

0

Dowlada Galmudug oo Ciidamo Xooojiya amniga Cabudwaaq u diraysa Dagmadaasi

Madaxtoyada Galmudug waxaa caawa ka dhacay Shir loga hadlayo guud ahaan Amniga Galmudug gaar ahaan Amniga Dagmada Cabudwaaq oo maalmihii ugu danbeyay ay falal amniga lidi ku ah ay ka dhacayeen.

Shirkan oo u shir gudominayay Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa waxa lagu go,aamiyay in dagmadaasi maalmaha nagu so adan lo diro Ciidamo iskugu jira Boolis,Nabadsugid iyo kumandoosta Gorgor.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa shacabka Cabudwaq ugu baqay in ay so dhaweeyan Ciidamada ku so fool leh waxa u sido kale baaq u diray Ganacsatada iyo Culumada iyo Odayasha Guurtida Magaladaasi in ay doorkooda qataan islamarkana ay garab istaagan Ciidamada ku so wajahan Dagmadaasi ee qaybta weyn ka qadan doona Sugida Amniga dagmada

Ugu danbeyn Madaxweyne ku xigeenka waxaa u bogaadiyay Dadaalada ay wadan Xildhibaanada Galmudug ee Dagmadaasi ka soo jeeda.

 

Ad
Previous articleDeg deg: Xildhibaanadii ugu Horeeyey oo Gaaray Hoolka Dhaarinta Xildhibaanada ee Afisyooni(Sawiro)
Next articleMaxaad kala socotaa xildhibaanada Hadii la dhaariyo xilalkooda waayi doona ?