Home Wararka Maanta Galmudug oo Beelaha Dir iyo Mareexaan Heshiis Dhex Dhigay

Galmudug oo Beelaha Dir iyo Mareexaan Heshiis Dhex Dhigay

0

Warar Hordhac ah oo ka soo Baxaayo Shirkii nabadaynta ee maalmahii lasoo dhaafay ka Socday magaalada dhusamareb luguna heshiisiinayay Beelihii Walaalaha ahaa ee ku dagaalamay Miyiga udhaxeeyo Laandheer iyo Qalaan-qalle ayaa Xogu Sheegayaan in Lugu Heshiiyay Qodobadan.

1:-In aan la deegaamayn Karin inta u dhaxeysa Ceel xirsi, iyo Ceel Abdikariin

2: In dadkii ku dhintay dagaalka dowladu caymis ka bixiso iyadoo kaashaneysa dowlada federalka

3: In Goobihii la isku dagaalay ciidamada laga qaado oo lageeyo Caabudwaaq iyo xeraale

4:- In dowladu la wareegto Gooobihii dagaalku dhacay Oo ay Si buuxdana Dowladu galmudug gacan ugu Hoyso

5: In gudi loo saaro labada dhinac gudigaas oo lashaqeynaya gudigii hore ee culumada ahaa

 

Ad