Maamulka gobolka Mudug ee Galmudug ayaa soo rogay amaro cusub oo lagu sugayo ammaanka Gaalkacyo xilli doorasho magaaladaas ka dhacayso.
1: In cid aan aheyn laamaha Amniga ka Shaqeynaya aysan hub ku dhex qaadan karin Magaalada Gaalkacyo talaabana laga qaadayo.
2: In la mamnuucay Gaadiidka ay ku xiran yihiin Muraayaha Madow ee (Bensalka) iyo in Gaadiid la dhigo Hareeraha waddooyinka.
3: In Milkiilayaasha Hoteelada ay soo diiwaangeliyaan dadka Jiifa Hoteelka si loo sugo Amniga degaanka.
4: In ay iska soo diiwaangeliyaan Musharrixiinta Golaha Shacabka iyo Ergada Saldhigyada Booliska & Nabadsugida Gaalkacyo sidoo kalena ay diiwaangeliyaan halka ay dagayaan.
5: In Gawaarida Xamuulka qaada ee soo gala Gaalkacyo ay tagaan Goobo laamaha amniga ay u cayimeen balse meel kasta aysan tegi karin.
6: In laga bilaabo 6: 00 Maqrimo wixii ka dambeeya aan wax Gaadiid ah soo geli karin Magaalada Gaalkacyo.
Buuq iyo Xiisad la Xariirta Doorashooyinka ayaa Ka Taagan Magaalada Gaalkacyo