Home Wararka Maanta Galmudug iyo MSF oo heshiis iskaashi kuwada saxiixday Magaalada Nairobi ee Xarunta...

Galmudug iyo MSF oo heshiis iskaashi kuwada saxiixday Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

0
Galmudug iyo MSF ayaa heshiis iskaashi kuwada saxiixday Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr. Cabdiweli Cabdullahi jaamac oo ka socday dhanka Galmudug iyo Madax ka socotay MSF oo uu hugaaminayey Gautam Chatterjee oo ah uqeybsanaha MSF ee Soomaaliya ayaa kulan saacado badan qaatey ku yeeshay Xarunta dhexe ee MSF Nairobi.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa Hey’adda MSF uga mahad celiyay, garab istaaga iyo adeega Caafimaad ee ay lagarab-taaganyihiin Dadka reer Galmudug, gaar ahaan Bulshada kunool Mudug.
Heshiiskan cusub ayaa hey’adda MSF u ogolaanaya sii wadida adeegyada Caafimaad ee ay ka wado Isbitaalka Galkacyo, in adeeg Caafimaad oo cusub ka bilaabaan xeryaha baracayaasha ee Galkacyo iyo in Galmudug ay ufurantahay inay keeni karaan adeeg walba oo ay kucaawinayaan Dadka reer Galmudug.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa MSF ku booriyey sare uqaadida adeegyada Caafimaad ee ka socda Galkacyo, kana qayb qaataan dadaalada latacaalidda cudurka COVID-19, sidoo kale Wasiirka ayaa MSF ka dalbadey in ay si buuxda uga qayb qaadato kulamada looga tashanayo Caafimaadka Galmudug.
Ugu danbeyntii Waxaa heshiiska iskaashiga si rasmi ah u kala saxiixday, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane.Dr. Cabdiwali Cabdullahi Jaamac iyo u qeybsanaha MSF ee Soomaaliya Mr.Gautam Chatterjee.
Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullahi Jaamac ayaa inta uu joogo Nairobi kulamo kala duwan layeelan doona deeq bixiye yaasha daneeya caafimaadka iyo hey’addaha kale ee caalamiga ah.

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan

Maxaad ka ogtahay muhiimada Soomaaliya u leedahay diyaaradaha dagaalka ee Bayraktar Akinci

Labadii diyaaradood ee ugu horreyay oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akınci ,ayaa shalay gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay milkiyadooda leedahay Soomaaliya. Diyaaradaha oo ay ku xiranyihiin tiknoolajiyad

Dalalka Ruushka iyo Ukraine oo iska bur-biriyay Kaabayaasha Dhaqaale ee Muhiimka

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine, ayaa wali sii wada duqeymo culus ay is dhaafsanayaan, kuwaa oo waxyeelo xooggan gaarsiiyay kaabayaal dhaqaale oo labada dalba muhiim u ahaa. Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin

Furuumaha Dagaalka ee Dowlada oo loo diray Dhaqaatiir iyo Gurmad Xoogan

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo luugu tala-galay in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah
Ad
Previous articleBoliiska Soomaaliya oo sheegay in la fashiliyay Qarax ka dhacay Muqdisho.
Next articleSawiro:- Maamulka Gobolka Mudug oo aasay baraago huriyay dirir sokeeyo oo ku yaala deegaanka Higla Ceele.