Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug Halmaalin Fasaxy Shaqaalaha ka Howlgala Galmudug

Galmudug Halmaalin Fasaxy Shaqaalaha ka Howlgala Galmudug

0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada galmudug waxay ku Wargalineysaa Dhammaan Hey’addaha dowladda iyo Hay’addaha aan dowliga ahayn in dhalashada sanadka cusub ee taariikhda Islaamka ee Hijriyada sanad walba loo aqoonsaday innay tahay maalin fasax qaran.

Sidaas awgeed Dhalashada sanadka cusub ee ku aadan maalinta Sabtida 30ka bisha Luulyo 2022 kuna beegan sanadka cusub ee taariikhda Islaamka Sabti 1da bisha koobaad 1444 Hijriyada ay tahay maalin Fasax Qaran.

Haddaba Maalintaas waa maalin ay fasax yihiin dhamaan shaqaalaha galmudug munaasabada sanadka cusub ee Hijriyada awgeed.

Waxaa dhammaan u rajeynayaa shaqaalaha galmudug iyo kuwa kalaba inuu sanadkan sanadkiisa nagu gaarsiiyo Nabad iyo Barwaaqo Insha Allah.

Ad
Previous articleMareykanka iyo Ruushka, Mudo kadib wada hadlaaya?
Next articleDowlada Soomaaliya oo Si layaab leh uga Hadashay Weerarka Alshabaab ku Qaadeen Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here