Home Wararka Somaliya Galmudug: Ciidanka Dowlada iyo kuwa Galmudug oo Gacanta ku dhigay Nin dilay...

Galmudug: Ciidanka Dowlada iyo kuwa Galmudug oo Gacanta ku dhigay Nin dilay Xaaskiisa

0

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Ururka 53-aad Guutada 14 Oktoobar iyo kuwa Galmudug ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigeen Nin xaaskiisa ku diley tuulada Muur,Diinle kuna dhow deeganka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Cabduqadir Cali Axmed oo xaaskiisa oo lagu Magacaabi jirey khadiija Sheekh Nuur Cabdi oo ku dilay deegaanka sabiid iyo caanoole, kaas oo dilka kadib baxsaday.

Taliyaha Ururka 53-ee Guutada 14 Oktoobar Dhamme Daa’uud oo xaqijiyay in la qabtay Ninka dilay Xaasiisa ayaa sheegay in dilka uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhax galay  Haweeneyda iyo seygeeda, isla markaana xilliga la dilayay ay laheyd Uur 8 Bilood ah, sidoo kalena ay ifka kaga tagtay 8 Carruur ah.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu sheegay in maalmihii la soo dhaafaya ay Ciidamada baadi goobayeen Ninka dilay xaaskiisa markii la soo garsiiyay Warbixinta dilka, taas oo keentay in ugu dambeyn ay gacanta ku dhigaan.

Dhacdooyinka la xiriira dilka ay ragga u geystaan xaasaskooda ayaan aheyn mid ku cusub degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo dhowr jeer ay dhacday, isla markaana gacanta lagu dhigay raggii dilalkaas geystay.

Ad
Previous articleDowladda Mareykanka oo Qorsheenaysa Cunaqabateen ay saarto Madaxda Soomaaliya (Akhriso)
Next articleDegaanka Xananbuurre ee Gobolka Galgaduud oo Weerar Khasaaro laga soo sheegayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here