Home Wararka Maanta Gacanyarihii Horjooge Cabdiraxmaan Garweyne oo Dowlada usoo gacan Galay

Gacanyarihii Horjooge Cabdiraxmaan Garweyne oo Dowlada usoo gacan Galay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay nin katirsanaa dagaalyahannada Al Shabaab, kaa oo dowladda sheegtay in uu gacan yare u ahaa sargaal sare oo katirsan  Al Shabaab.

Siciid Moogow Maday ayas dowladda sheegtay in uu ahaa gacanta midig ee horjooge Cabdiraxmaan Garweyne oo katirsan saraakiisha sar sare ee Al Shabaab, waxa uuna ninkan kooxda  u qaabilsan yahay  Gobolka Hiiraan .

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa ninkan kusoo bandhigay degmada Xudur, waxa uuna ninkan sheegay in Al Shabaab katirsanaa sannado badan uuna kasoo qeyb qaatay dagaalo kala duwan.

Maalmo kahor ayaa magaalada Baydhabo lagu soo bandhigay toban xubnood oo katirsanaa Al Shabaab, kuwaa oo la sheegay in kooxda kasoo goosteen iskuna soo dhiibeen ciidanka dowladda.

Ad