Home Wararka Maanta Gacan ku Dhiigle Xalay Dil Gaystay oo Baxsad ahaa Oo Gacanta Lagu...

Gacan ku Dhiigle Xalay Dil Gaystay oo Baxsad ahaa Oo Gacanta Lagu Dhigay

0

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir , gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhigga degmada Wadajir ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu dil geestay kana baxsanayay gacanta laamaha ammaanka.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkan dilka lagu eedeeyay xalay gacanta kusoo dhigeen ciidamada booliiska, waxa ayna sheegeen in ninkan la hor-geyn doono caddaaladda.

”Taliska qeybta guud ee booliiska gobolka Banaadir, gaar ahaan saldhigga boliiska Wadajir ayaa gacan kusoo dhigay eedeysane fal dil ah horey uga geetay muwaadin, kana baxsaday goobta uu falka ka dhacay, ugu dambeena gacanta lagu soo dhigay waxaana la hor geyn donaaa caddaalada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.
Ciidamada booliiska ee ka howlgala Muqdisho oo kordhiyay howlgalada sugida ammaanka caasimadda ayaa marar badan gacanta kusoo dhigay rag lagu eedeeyay in ay geesteen dilal kala duwan, kuwaa oo ku dhuumaaleesanayay qeybo kamid ah caasimadda.
Ad
Previous articleAjaaniib Doobaysay inay Ku Biirto Al-Shabaab oo dhexda laga qabtay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Qaraar oo Ka Socda Degaanka Budbdud ee Galmudug iyo Saraakiil Ku dhimatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here