Home Wararka Somaliya Galmudug Gacan ku Dhiigle mudo la Baadi Goobaayay oo lagu Qabtay Magaalada Gaalkacyo

Gacan ku Dhiigle mudo la Baadi Goobaayay oo lagu Qabtay Magaalada Gaalkacyo

0

Ciidamada booliiska maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka fuliyeen Waqooyiga magaalada Gaalcakyo waxa ay kusoo qabteen nin gacan ku dhiigle la ahaa oo laamaha ammaanka baadigoob ugu jireen.

Ninkan ay soo qabteen ciidamada ammaanka Puntland oo magaciisa lagu sheegay Mowliid Maxamuud Nuur (Caanaboore) ayaa horey u dilay labo qof oo shacab ah oo lagu kala magacaabayay Marxuum Axmed Raawe iyo Maxamud Siciid Muuse.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Mudug qeybta Puntland ayaa lagu sheegay in gacan ku dhiiglaha in mudo ah ku raadjoogeen, waxa ayna ninkan ku eedeeyeen in uu ka gacansan jiray waxyaabaha maankadooriya sida Khamriga.

Booliiska ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ninkan loo horgeyn doono maxkamad si loo marsiiyo ciqaabta dambiyada uu horey u geestay ay ku jiraan dilka labada qof ee shacabka ah, waxaana xusid mudan in ninkan horey maxkamad xukun ugu riday isaga oo maqan.

Ad
Previous articleGanaatlo lagu Garaacay Magaalada Erbil kuwaas oo aan la ogayn Cida Soo Ridaysa
Next articleDowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Duqayn Diyaaradaha Maraykanku ka Fuliyeen Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here