Home Wararka Maanta Gabar Soomaaliyeed iyo Jilaa qaba oo oo taagero u raadinaya dalka Soomaaliya

Gabar Soomaaliyeed iyo Jilaa qaba oo oo taagero u raadinaya dalka Soomaaliya

0

Jilaaga Idris Elba iyo xaaskiisa Sabrina Dhowre ayaa Isniintii ugu baaqay ganacsatada iyo hoggaamiyayaasha siyaasada inay taageero dheeri ah siiyaan waddamada ugu saboolsan adduunka qaab maalgashi ah halkii ay deeq gargaar ah kasiin lahaayeen.

Xafladdii furitaanka shirka sanadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ee Davos, ayaa Idris iyo Sabitina lagu abaal mariyay shaqada ay ka qabteen ilaalinta deegaanka, cuntada iyo isbeddelka cimilada.

Sabrina Dhowre ayaa soo bandhigtay dhibaatooyinka dhanka cunnada ah ee ka jira Soomaaliya, Haiti, Sudan iyo waddamo kale, iyado si gaar ah diiradda u saaray dhibaatada heysata beeraleyda yar yar ee aan helin agabkii ay u baahnaayeen.

“Waxaan halkan u joognaa in aan iftiiminno dhibaatooyinka heysta dadka iyo dalalka aan wararkooda lasoo tebin” ayay tiri Sabrina.

Lamaanahan oo sidoo kale ah Danjirayaal Sharafeedka Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee Qaramada Midoobay, ayaa ka codsaday ka qaybgalayaasha shir madaxeedka sannadlaha in si degdeg ah dhaqaale loogu taageero dadka ay saamaysay cunto yari iyo isbeddelka cimilada.

“Dadka saboolka ah ee adduunku kaliya ma raadinayaan gargaar iyo deeqo, waxay raadinayaan maalgashi,” ayuu yiri Idris Elba ayaa yiri.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xassan Shiikh oo shaaciyay halka dagaalka u jihaysan doono kadib Galmudug
Next articleMidowga Africa oo war Kasoo saaray in Alshabaab lagasaaray Degmooyin Waawayn ee Ka Tirsan Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here