Home Wararka Maanta Gabar Soomaali ah oo qoyskeeda ay ku ogaadeen arrin aysan filaneynin

Gabar Soomaali ah oo qoyskeeda ay ku ogaadeen arrin aysan filaneynin

0

“Maxaa tiri?! Hilibka waan ka caagganahay aa?….yaah?!… Maxaa xiga marka… ma waxaad tuuri rabtaa xijaabka?!”

Hadalladaas waxaa tiri Sumaya hooyadeed, ka dib markii ay ogaatay in gabadheedu aysan hilibka cunin balse khudaarta oo kaliya ay cunto.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan hooyadey muuqaal ka duubo markaas! jirkeeda oo dhan wuu isbaddalay. Waxay ii arkeysay sidii inaan qof dilay oo kale”, ayey tiri Sumaya oo 18 jir ah, kana soo jeedda galbeedka London.

“Anigana waxaan dhahay ‘hooyo, aniga qof bani’aadan ah ma dilin. Wax sidaasoo kale u weyn ma sameynin”.

Sida dad badan oo reer Britain ah ay maanta yihiin, Sumaya waxay isku tahay dhowr waxyaabood. Haweeney, muslim ah, xijaab xirata, Soomaali ah. iyo tan ugu dambeysay oo ah inay tahay qof hilibka ka caaggan oo khudaarta kaliya cuna.

Qiyaastii 540,000 oo dadka hilibka ka caaggan ah ayaa ku nool waddanka Britain, sida lagu sheegay daraasad la sameeyay sanadkii 2016-kii. Tiradaas waxay 150,000 ka sarreysaa halkii ay mareysay sanadkii 2006-dii, taasoo ka dhigan in dadka noocaas ah ay sii kordhayaan.

Diinta Islaamka, in hilibka xoolaha la cuno waa xalaal, taasina micnaheedu waa in dadka muslimiinta ah ay hilibka cunaan iyagoo diintooda raacaya.

Dadka Muslimiinta ah qaarkood waxay aaminsan yihiin in haddii la iska mamnuuco wax diinta lagu xalaaleeyay ay tahay tallaabo xaaraam ah.

Sidey Sumaya qoyskeeda ku ogaadeen inay hilibka ka caaggan tahay?

Sumaya durbaba waxay si shakhsi ah u dareentay khilaafka noocaas ah ee salka ku haya in waxa ay diintu banneysay la iska xaaraantinimeeyo.

Waxay muddo lix bilood ah qoyskeeda ka qarineysay inay khudaarta kaliya cunto, oo aysan hilib cunin. Laakiin habeen habeennada ka mid ah ayuu aabaheed u keenay raashin aad loo soo hagaajiyay, oo ah digaag la dubay.

Da’deedu waxay ahayd 16 xilligaas, jilibka ayeyna ka dhaawacneyd, sidaas darteed ayuuna aabaheed ugu keenay wax fiican. “Markii uu guriga yimid, wuu ii yeeray, raashinka digaagga ah ayuuna gacanta ku hayay”, ayey tiri iyadoo dib u xasuusaneysa dhacdadaas. “Waa raashinkii aad ugu jecleyd ayuu igu yiri isagoo dhoollacaddeynaya”.

Baahidii heysay ayaa isu baddashay walwal iyo naxdin ku saabsan sida ay ka yeeleyso arrinta markaas heysatay. Laakiin waxaa la joogay wakhtigii ay mowqifkeeda caddeyn lahayd.

Sumaya waxay ku kortay qoys muslim ah oo Soomaali ah, hilibkuna gurigooda wuxuu ka ahaa cuntada joogtada ah.

“Quraacda, qadada iyo cashadaba hilib ayaan ku sameysan jirnay, hilib ayaa raashin walba noo ahaa”, ayey tiri.

Gudaha Britain tirada Muslimiinta waxay ka tahay qiyaastii 4.6% ka mid ah tirada guud ee shacabka, laakiin sida lagu sheegay daraasad ay sameysay hay’adda wax soo saarka hilibka ee AHDB Beef & Lamb, 20% ka mid ah hilibka lagu sameeyo UK waxaa isticmaala muslimiinta.

Sumaya markii ay 15 sano jirtay ayey billowday inay ka fikirto xaddiga hilibka ay cuni jirtay, iyo saameynta uu caafimaadkeeda ku leeyahay, sidaas darteedna waxay dareentay inay isbaddal u baahneyd.

Waxay gashay Youtube-ka, iyadoo raadineysa nooca raashinka ah ee ay ku baddalan karto hilibka.

“Waxaan arkay gabdho caddaan ah oo dhuudhuuban, oo sheegaya in qofkii sidooda oo kale doonaya inuu cuno khudaarta kala duwan”, ayey tiri.

“Markii aan isku dayay, oo aan dhowr bilood waday, waxaan dareemay inaan aad ugu fiicnaanayay”, ayey tiri Sumaya.

Maxay sameysay maalintii uu aabaheed u keenay digaaga?

Cabbaar markii ay taaban weysay hilibkii ayuu aabaheed dareemay inaysan cuni rabin.

“Aabe wuxuu igu yiri: ‘maxay tahay xushmad darradan, waa maxay sababta aad u cuni la’dahay raashinka aan kuu keenay?”.

Halkaas ayey arrinteedii ku caddaatay, qoyskeedana waxay ku noqotay fajac.

Sumaya waxay hadda wax ku qortaa website looga hadlo faa’iidada khudaarta, waxayna farriimo taageero ah ka heshay dad badan oo muslimiin ah, kuwaasoo doonaya inay billaabaan cuntada khudaarta kaliya ah.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleJames Ibori oo lagu Amray inuu Bixiyo lacag dhan $130milion oo lagu edeeyey inuu Xaday
Next articleAlshabaab oo inta Badan Maamulka Maandheera la Wareegay