Home Wararka Maanta Gabar Muddo la raadinaayay oo Maydkeeda Laga helay Guriga reerkeeda ( dhacdo...

Gabar Muddo la raadinaayay oo Maydkeeda Laga helay Guriga reerkeeda ( dhacdo la yaab leh)

0

Nafiso Cumar Cabdulahi oo la weysanaa 3 dii maalmood ee la soo dhaafay ayaa goor dhaweyd laga helay Meykeeda gurigii reerkeedu ka deganaa Xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Dharkeenley .

Marxuumadda oo da,deedu aheyd 11 jir ayaan la ogeyn sababta loo dilay.

7 ruux oo ay ku jiraan hooyadii iyo aabihii gabadha ayaa loo xiray kiiskaan

Laanta dambi baarista Ciidamada Booliska Ee CID ayaa baaraysa falkaan argagaxa leh.

Lugaha iyo gacmaha ayaa laga xiray afkana waxaa loo galiyay caag qajacle ah ka dibna Digsi weyn ayaa lagu dhex riday” ayuu yiri wariye tagay goobta oo aan la hadlay goordhaw.

Boliiska Soomaaliya wili war kama soo saarin dhacdadaan Foosha xun ee ka dhacday Degmada Dharkenley ee Gobalka Banaadir.

Ad
Previous articleGuddigii dhismaha Golayaasha Deegaanada Galmudug oo la kala diray
Next articleRa’isul Wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyay Magacyada Guddigii Lagu Muransanaa (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here