Home Wararka Maanta Gabar 6 jirka ah iyo aabaheed oo la toogtay kadib markii kubad...

Gabar 6 jirka ah iyo aabaheed oo la toogtay kadib markii kubad ay ku dheeleysay uga dhacday guri

0

Booliska gobolka North Carolina ee Mareykanka ayaa baadi goobaya nin lagu eedeeyay inuu toogtay gabar 6 jir ah iyo aabaheed ka dib markii kubbadda lagu dheelo koleyga ay uga dhacday deyrka ama guriga ninkaas, waxaa sidoo kale dhacdan ku dhaawacmay laba qof oo kale.

Booliska ayaa sheegay in Robert Louis Singletary, oo 24 jir ah oo looga shakisan yahay toogashada uu weli baxsad yahay isla markaana ay ku raad joogaan.

Mr. Singletary ayaa wajahaya afar dacwadood oo ah isku day dil oo heerka koowaad ah.

Booliska ayaa sidoo kale eedeysanaha ku soo oogay labo dacwadood oo kala ah in uu qaaday weerar isagoo adeegsanayay hub halis ah xilli uu damacsanaa in uu wax dilo iyo hal dambi oo ah in uu heystay hub.

Booliska ayaa horey ninkan ugu eedeyay in weerar u geystay saaxibtii, wuxuu bishii December ku weeraray saaxibtii buris.

Booliska magaalada Gaston waxaa markii ugu horreysay Talaadadii lagu wargeliyay toogashada loo geystay gabadha lix jirka ah iyo aabaheed.

Baarayaasha ayaa markii dambe sheegay in ilmo lix jir ah iyo aabaheed ay labaduba si xun ugu dhaawacmeen toogashada.

Sidoo kale rasaasta waxay ku dhacday gabadh iyo nin qaan gaar ahaa oo goobta ka ag-dhawaa.

Qof deriska ah ayaa warbaahinta u sheegay in toogashada ay ka dambeysay markii kubadda lagu dheelo koleyga ay uga dhacday deyrta ama guriga qofka looga shakiyay in uu weerarka geystay.

“Waxay ciyaarayeen kubbadda koleyga, kubadda ayaa ooga dhacday deyrtiisa ama gurigiisa. waxay aadeen gurigiisa si ay usoo qaataan kubadda., wax lala yaabo aya aheyd,” ayuu yiri Jonathan Robertson, oo ku nool xaafadda Gaston County.

“Weligey ma fileyn in waxan ay dhici doonaan, mana fileyn in qofka uu rasaas u furi doono carruurtaas”

Intaa kadib booliska waxay sheegeen in eedeysanaha uu gudaha u galay gurigiisa uuna la soo baxay qori ka hor inta uusan si aan kala sooc lahayn u toogan dadkii deriska ahaa, Mr William iyo gabadhiisa ayaa la toogtay xilli ay waalidiintu ku degdegayeen inay soo kaxeystaan carruurtooda.

Kadib toogashada, gabadha yar ayaa wareysi siisay warbaahinta ABC news.

“Xabbadda waxay iga gashay dhabarka iyo dhabannada” ayay tiri gabadha oo la shaacin wajigeeda.

Waxay intaas ku dartay in aabaheed uu weli ku jiro isbitaalka Charlotte. Waxaa laga daweynayaa dalool dhanka sambabada ah iyo dhibaato kasoo gaartay beerka kadib markii dhabarka laga toogtay.

Bayaan kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay inay soo saareen warqad lagu soo xirayo Mr Singletary.

Taliyaha booliska magaalada Gaston, Stephen Zill ayaa sheegay “in aysan sii jiri doonin rabshadaha noocan ah” oo ay ka takhalusi doonaan.

“Waxaan tan iyo xaley sameynay baaritaan ballaaran si aan usoo qabanno Mr. Singletary, waxaan la kaashannay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan soo qabashada dadka baxsadka ah si ay inooga caawiyaan baadigoobka loogu jiro eedeysanaha”

Maalmihii u dambeeyay waxaa Mareykanka ka dhacay weerarro ay ku lug lahaayeen dhalinyaro Maraykan ah kuwaasoo la sheegay inay si khaldan u adeegsadeen hubka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCiidamada PSF iyo mileteriga Sudaan Oo Isku Raacay Xabad Joojin 3 Cisho Ah
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday Degaan ka tirsan Galmudug