Home Wararka Maanta Ciidamada PSF iyo mileteriga Sudaan Oo Isku Raacay Xabad Joojin 3 Cisho...

Ciidamada PSF iyo mileteriga Sudaan Oo Isku Raacay Xabad Joojin 3 Cisho Ah

0

Ciidamada Milatariga Sudan ayaa oggolaaday xabbad joojin saddex maalmood ah inta lagu guda Ciidul Fidriga oo soo afjaraya kadib dagaal socday muddo toddobaad ah.
Ciidamada Gargaarka Degdegga ah (RSF), oo la dagaallamaya ciidammada Milatariga Suudaan ayaa hore ugu dhawaaqay xabbad joojinta 72 saacadood ah.

“Ciidanka qalabka sida waxay rajeynayaan in fallaagada ay u hoggaansamaan dhammaan shuruudaha xabbad joojinta oo ay joojiyaan dhaqdhaqaaq kasta oo militari oo carqaladeynaya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidanka.

Hase yeeshee, rasaas iyo qaraxyo ka dhacay caasimadda Sudan ee Khartoum, ayaa ku fiday galbeedka iyo koonfurta magaalada, iyadoo uu sii kordhayo dagaalka u dhexeeya ciidamada iyo xoogaga hubaysan ee Taageerada degdega ah.

Ciidanka ayaa sheegay in ay geeyeen kumannaan askari, kuwaas oo hawlgallo lug ah ku qaaday markii ugu horreysay tan iyo markii uu dagaalku qarxay ku dhawaad ​​toddobaad ka hor.

In ka badan 400 oo qof ayaa ku dhintay ugu yaraan 3,500 oo kalena way ku dhaawacmeen dagaallada ka socda Suudaan, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Midowga Yurub ayaa sheegay in la qorsheeyay suurtagalnimada in muwaadiniintooda laga soo daadgureeyo caasimadda Suudaan ee Khartoum.

Sarkaal sare ayaa sheegay in howlgalka la isku dubariday, iyadoo siyaabo kala duwan looga shaqeynayo sidii dadka loo soo saari lahaa.
Dad lagu qiyaasay 1,500 oo u dhashay Midowga Yurub ayaa ku xayiran caasimadda Suudaan. Mareykanka ayaa sheegay in aan wali go’aan laga gaarin in la daadgureeyo shaqaalaha dublamaasiyadda iyo in kale.

Ad
Previous articleArday Soomaaliyeed oo Laga soo Badbaadiyay Dagaalada Kasocda Sudan iyo Dowlada oo Ka Hadashay
Next articleGabar 6 jirka ah iyo aabaheed oo la toogtay kadib markii kubad ay ku dheeleysay uga dhacday guri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here