Home Wararka Maanta Gabadh Soomaali ah oo lagu daray maamulka cusub ee ismaamulka Addis Ababa

Gabadh Soomaali ah oo lagu daray maamulka cusub ee ismaamulka Addis Ababa

0

Faa’isa Maxamed Cumar oo ah gabadh Soomaaliyeed oo ka soo jeeda degaanka Soomaalida ayaa loo doortay  Af hayeen ku xigeenka Golaha Xildhibaannada Maamulka Magaalada Addis Ababa.

Faa’isa ayaa horey usoo martay xilka Madaxa Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska Maamulka Magaalada Addis Ababa, iyadoo hadda maamulkan cusubna ka qabanaysa mid kamid ah xilalka u sareeya oo ah Afhayeen ku xigeenka Golaha Xildhibaannada Maamulka Magaalada Addis Ababa.

Addis Ababa oo ah caasimadda dalka ayaa waxa ay leedahay maamul gooni ah, oo 5tii sanaba mar lasoo magacaabo, waana ismaamulka labaad ee dalka ka jira marka laga yimaado ismaamulka Diridhabe.

Si guud dalka Itoobiya ayaa waxaa maalmahan kasocda dhisida xukuumad cusub, iyadoo degaannada dalkuna ay soo dhisayaan maamulo cusub oo badalaya maamuladii hore.

Ad
Previous articleRa’iisul Wasaare Rooble oo ugu baaqay Dowlad-goboleedyada in ay soo dhammeystiraan Doorashada Aqalka Sare
Next articleWasiirka Dastuurka Somaliya oo shaaciyay in Siyaasiinta goballada waqooyi ay dhib kala kulmaan qaadashada Baasaboorka Soomaalia