Home Wararka Maanta Gaari Xamuul oo xalay Dulmaray Moota Bajaaj iyo Dhimasho Iyo Dhaawac Ka...

Gaari Xamuul oo xalay Dulmaray Moota Bajaaj iyo Dhimasho Iyo Dhaawac Ka dhashay

0

Waxaa xalay shil dad badan ka naxeen uu ka dhacay inta u dhaxeysa Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim iyo isgooska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, waxaana shilkaasi ku geeriyooday wiil dhallinyaro ah ,halka labo kalana ku dhaawacmeen.

Gaari nuuca xamuulka qaada ayaana jiiray mooto bajaaj ay saarnaayeen saddex wiil oo dhallinyaro ah, gaariga dilka geestay ayaana goobta isaga dhaqaaqay isaga oon u istaagin dadkii uu dhibaatada gaarsiiyay.

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay darawalkii waday gaariga xamuulka ah ee jiiray mooto bajaajta, waxaana ninkan lagu xiray xarunta dambi baarista ee CID-da, halkaas oo lagu baarayo kiiskan.

Shilkan gaari ee sababay dhimashada iyo dhaawaca ayaa dhacay xalay abaaro 12:10 hameenimo, waxaana saacado qaadatay in la aqoonsado meydka wiilka dhallinyarada ah uu gaariga jiiray.

Ad
Previous articleAqalka Wakiilada Mareykanka oo si kulul uga hadlay dagaalka Laascaanood Wali Kasocda
Next articleFaahfahin Xildhibaan C/raxmaan Xaajii Maxamed oo Lagu Dilay Magaalada Boosaaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here