Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay Gaari Booyad ah oo nooca shidaalka qaada ah, taas oo gabi ahaanteed gubatay.
Waxaa la sheegay in qaraxa gaarigaas gubay uusan geysan wax khasaare nafeed ah, balse waxaa gabi ahaanba gubtey oo basbeeshay Booyadii oo waday shidaal, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan Hormuud.
Sawirro laga soo qaaday gaariga gubtay ayaa muujinaya baaxadda dabka, waxaana la kala garan waayey in qaraxa lagu soo dhejiyey gaariga iyo in jidka loo dhigay.
Waa qaraxii labaad ee lala beegsado gaari ay leedahay shirkadda Hormuud mudo ka yar 48 saacadood gudahood oo ka dhacay Muqdisho.
Saacado ka hor qarax lagu xiray gaari Noha ah oo ay leedahay shirkadda Hormuud ayaa ka dhacay isla degmada Heliwaa, kaas oo sababay dhimashada nin ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda, isla qaraxaas dhaawacyo halis ah ayaa la sheegay inay ka soo gaareen hawl-wadeeno kale.
Ila hada lama oga sababta loo beegsado iyo cidda beegsaneysa shirkadda Hormuud, laamaha amnigu kama hadlaan, Shabaab sidoo kale kama hadlaan, maamulka shirkaduna waa ka aamusan yihiin weerarrada ku socda xarumaha, gaadiidka iyo shaqaalahooda.