Home Wararka Maanta Furitaankii Dastuurka oo Dib loo Dhigay iyo Xasan Shiikh iyo Mucaaradka oo...

Furitaankii Dastuurka oo Dib loo Dhigay iyo Xasan Shiikh iyo Mucaaradka oo Heshiiyay

0

Waxaa galabta la soo gabagabeeyey kulan gaar ah oo arrimaha dastuurka ay ka yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif uu hoggaaminayo.

Xogta arrimo la isku afgartay intii uu socday kulankaas ayey heshay Caasimada Online, dood dheer ayey siyaasiyiinta iyo madaxweynuhu ka yeesheen arrinta muranka dhalisay ee wax ka bedelka dastuurka.

Kulankii soo idlaaday galabta waxaa lagu go’aamiyey in dib loo dhigo wax ka bedelka dastuurka, iyadoo la sugayo Puntland oo ka maqneed miiskii wadahadalka, intii lagu mashquulsanaa arrimaha dastuurka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa soo jeediyey in la sugo Puntland oo hadda ku jirta doorasho, si ay talo ugu yeelato arrimaha wax ka bedelka dastuurka, madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Puntland ayaa diiday inuu ka qeyb galo kulamadii looga hadlayey dastuurka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa qaatay talooyin dhowr ah oo mucaaradku ay ku biiriyeen madaxweynaha, kuwaas oo intooda badan ku saabsan wax ka bedelka dastuurka.

Mucaaradka ayaa ku guuleystay in dib loo dhigo doodii wax ka bedelka dastuurka oo Xasan Sheekh uu qorsheynayey in la dedejiyo, iyadoo aan loo joojineyn Puntland oo diiday inay talo ku yeelato oo imaato miiska wadahadalka.

Sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ah oo balanta dib u dhigidda doodaan ay maanta madaxweynaha kala qaateen ayaa qorsheynaya inay la kulmaan guddoomiyeyaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Mucaaradka ayaa doonaya inay guddoonka baarlamaanka ku adkeeyaan qorshaha dib loogu dhigayo wax ka bedelka dastuurka, ilaa inta laga soo dooranayo hoggaanka Puntland, si ay door ugu yeeshaan go’aanada dastuurka.
Ad
Previous articleGaari ay Leedahay Shirkada Hormuud oo Maantay Markale Qarax lagu Burburiyay
Next articleWararkii ugu Danbeeyeyee ka soo baxaysa weerar Mareykanku ku qaaday saldhigyo kooxda Kataa’ib ay leedahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here