Ciidamada hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay gaari laga soo buuxiyey biraha lagu sameeyo baabuurta aysan xabadda karin oo Al-Shabaab ay kasoo direen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.
Ilo-wareedyo ka tirsan NISA ayaa xaqiijiyey in gaariga uu agabka saaran usii gudbin lahaa gobollada Galmudug, oo ah meelaha la filayo inuu dagaal xooggan ku dhex-maro ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.
Qorshaha laga lahaa biraha ayaa ah in lagu sameeyo baabuur bullet proof ah, oo aysan xabadda karin oo Al-Shabaab kadibna ay u adeegsato inay weeraro ku fuliso.
Al-Shabaab ayaa marka ay weerareyso xarumaha dowladda iyo saldhigyada ciidamada waxay adeegsataa gawaari bullet proof ah, taasi oo u sahleysa inay kontroollada ciidanka xoog ku dhaafaan, islamarkaana rasaasta lagu furo aysan waxba u gaysan, sidaasna ay ku galaan goobaha ay beegsanayaan.
Mid ka mid ah sababaha ay adag tahay in weerarada noocan ah looga hortago ayaa ah xaqiiqda ah in Al-Shabaab ay adeegsadaan baabuur aysan xabadda karin kuna galaan saldhigyada iyo meelaha ay qarxinayaan, sida ay sheegeen saraakiisha NISA.
Saraakiisha NISA ayaa sheegay in shaqsiyaadka lala qabtay gaariga oo hadda xiran lagu wareejin doono dacwad-oogayaasha dowladda si loo horgeeyo maxkamadda ciidamada qalabka sida, loona mariyo cadaaladda.