Home Wararka Somaliya Galmudug faahfaahin Dheere ah oo kasoo baxaysa Dagaalkii Cuslaa ee Shalay ka dhacay...

faahfaahin Dheere ah oo kasoo baxaysa Dagaalkii Cuslaa ee Shalay ka dhacay Duleedka Budbud

0

warar dheere ah ayaa kasoo baxaaya Dagaal Shalay Duhurkii ka bilowday Duleedka Budbud soona gaaray ilaa casir liiqii, Dagaalkaan ayaa Bilowday Kadib Markii Ciidamada Danab ka war heleen alshabaab isku abaablaaya deegaan aan ka dheerayn budbud kuwaas oo Qorshaynaayay inay Weereran Budbud.

Ciidanka Danab ayaana ku baxay Alshabaabkii is aruursanaayay Balse Ciidamo ka tirsan Alshabaab ayaa jidka ugalay Ciidamadii Danab ee Howlgalka waday Dagaal Culus ayaana Halkaas Alshabaab iyo Danab ku Dhexmaray.

Khasaaro Xoogan ayaana la sheegay inuu ka dhashay Weerarkaas Askari ka tirsan Danab oo aan la xariirnay ayaa inoo xaqiijiyay in alshabaab ay ka dileen 18 dagaalame Qaar kalana ay ka dhaawaceen.

dhanka ciidamadii danab ayaa ayana la xaqiijiyay in laga gubay hal gaari oo nooca looyaqaan Cabdi bilaha Tira aan la xaqiijina ay ka geeriyoodeen Ciidamada danab halka Tira kalana laga Dhaawacay.

Dagaalkaan ayaa La sheegay inuu ku soo aaday xili madaxweyne Xasan Shiikh uu ku wajahanyahay Degmada Galcad oo Lasheegay inuu Saldhig ka dhigan Doono inta Alshabaab laga Xoraynaayo Degmada Ceelbuur iyo Galhareeri oo alshabaab kaga sugan yihiin Guud ahaan Deenadanada Galmudug.

Madaxweyne Xasan shiikh ayaaana la shegaaya inuu asbuuca soosocda oo ku wajahanyahay degmada galcad

Ad
Previous articleGaari Alshabaab ku Soo Rareen Qalab aan Xabadu karin oo Muqdisho lagu Qabtay
Next articleAlshabaab oo weerer Culus ku Qaaday Magaalada Baydhabo Xili ay horay u Go,doomiyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here