Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa saaka xukun dil toogasha ah ku fulisay 13 nin oo ka kala tirsan kooxaha Shabaab iyo Daacish.
Toogashada oo isku waqti dhacday ayaa laga kala fuliyay magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, sida mas’uuliyiinta maxkamadda ay warbaahinta u sheegeen.
Magaalada Galkacyo waxaa lagu toogtey 5 nin oo ka tirsanaa Amniyaadka Alshabaab kuwaas oo horey dilal iyo Qaraxyo uga geystay xaafada Wadajir ee ku taala koofurta gobolka Mudug oo ay Galmudug ka arrimiso.
Garowe, waxaa lagu toogtey Shubeyb oo sanadki 2016 lagu qabtey dagaaladi Ciidamada Puntland kusoo Afjareen Argagaxisadi Puntland kuso duushey sanadki 2016 ee ka dhacay Suuj,Garmaal iyo Kulub balse inti Cafis loo fidideyey kuso laabtey Garowe isago dilal hor leh kaso geystey magaalada Muqdisho.
Bossaaso waxaa lagu dilay mid kamid ah Shabakadihi dadka Reer Bossaaso madaxa u duuban jirey ee marar kala duwanaa ka tirsanaa Daacish iyo Alshabaab oo tiradoodu gaareysay 6 nin.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay