Home Wararka Maanta Gaalkacyo: Ciidanka Puntland iyo Galmudug oo Hawlgalo Qorsheysan ka Fuliyay Magaalada

Gaalkacyo: Ciidanka Puntland iyo Galmudug oo Hawlgalo Qorsheysan ka Fuliyay Magaalada

0

Ciidamada Booliiska dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ay ka fuliyeen Howlgallo Wadajir ah oo Amniga lagu xaqiijinayay.

Howlgalka ayaa waxaa la sheegay i ujeedkiisu ahaa Xaqiijinta Amniga waxaa ay ciidamadu ka sameeyeen waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo  ee Xarunta Gobolka Mudug.

Taliye kuxigeenada Qeybta Booliiska Gobolka Mudug ee Galmudug & Puntland G/Le Maxamed Xasan Warsame Sanjeex iyo Koomaad ayaa howlgalka hoggaminayay ayaa waxaa ay sheegeen inay uga hortagayeen falalka amni darro oo mararka qaar ay Al-Shabaab ka geestaan Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha ayaa ugu baaqay Bulshada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland inay la shaqeeyaan Ciidanka Booliiska ee markasta u taagan Amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo iyo weeraro toos ah oo qaarkood lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleAkhriso Midowga Musharixiinta oo Sharuud ku xiray Kulanka Farmaajo
Next articleWasaarada Caafimaadka Galmudug oo Lagu Wareejiyay Qalabka Covid19 (Sawiro)