Home Wararka Somaliya Fiqi oo isbarbar-dhig ku sameeyey farqiga u dhexeeya Qoorqoor iyo Deni

Fiqi oo isbarbar-dhig ku sameeyey farqiga u dhexeeya Qoorqoor iyo Deni

0

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa isbarbardhig ku sameeyey talaabooyin ay qaadeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

Fiqi oo dhowaan iska casilay xilka wasiirka anniga Galmudug sababo la xiriira dagaalka Guriceel ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook waxaa uu Saciid Deni ku tilmaamay hogaamiye dadkiisa u horseeday doorashooyin qof iyo cod ah, halka Qoorqoorna uu shacabkiisa u horseeday dagaal iyo colaaD

HOOS KA AKHRISO QORAALKA FIQI OO DHAMEYSTIRAN

Farqiga u dhexeeya caqliga labada hogaamiye.

Meel waa nabad iyo mustaqbal dimuqraadiyad, meelna waa abaabul colaad iyo mahadhooyin murugo leh!

Meel waa hogaamiye caqli fayow oo dadkiisa iyo deeganadiisa mas’uuliyadii Iagu aaminay sidii ay aheyd u gudanaya, meel kalena waa hogaamiye dagaalka iyo dilka dadkiisa raba inuu guul ka raadiyo!

Meel hogaqmiyaheedu saakay wuxuu beeray rajo iyo raad loo aayi doono, halka meesha kale uu beeray uur-ku-taallo iyo rajo xumo.

Muddo saddex maalin tacsi, agoonnino iyo asay ayaa la deris ahayd qoysas Soomaaliyeed oo ay sabab u tahay go’aan qaldan oo arrin nabad lagu xallin karo laga qaatay, Lana kala dooranayey noocyada hubka ee loo adeegsanyo gumaadka shacabka, halka dhanka kale saddex maalmood ay u ahayd olole doorasho, soo bandhigid barnaamij iyo aragtiyo siyaasadeed oo la kala doorto!

Galmudug Allaha u gargaaro, saddex maalmood warka u weyn wuxuu ahaa Guriceel gacanta ayaa lagu dhigay!.

Baaqiga hala caymiyo!

Ad
Previous articleC/raxmaan C shakuur Warsame oo Ka hadlay Dagaalka Ahlusuna iyo Dowladda
Next articleWararka ugu Danbeeyay Dagaalka Guriceel ee Caawa iyo Halka ay kala joogaan labada Dhinac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here