Home Wararka Caalamka Finland oo Xadka Ruushka geysay Diyaaro Nuuca Casriga ah

Finland oo Xadka Ruushka geysay Diyaaro Nuuca Casriga ah

0

Dowladda Finland ayaa qaybtii ugu horreeysey ee diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee Maraykanka gayn doonta gobolka woqooyi ee ee Lapland, marka Helsinki ay hesho diyaaradahaasi 4 sano kaddib, sida ay shaaca ka qaadeen Ciidamada Cirka ee dalkaasi.

Sarreeye Guuto, Juha-Pekka Keränen, Taliyaha Ciidanka Cirka ee dalkan woqooyiga Yurub, ayaa sheegay in “F-35 marka hore lagu qalabayn doono Ciidanka Cirka ee fadhiya Rovaniemi oo ka tirsan sanadka 2026.”

Saldhig-cireedkan laga hadlayaa waxa uu yaal 7 kiiloomitir woqooyiga magaalada Rovaniemi, oo ku taal Cirif-qaboobaha Arctic-ga, waana saldhigga woqooyi ugu xiga Finland ee ay yaallaan diyaarado dagaal oo uu dalkani leeyahay.

Bishii Diseembar 2021-kii, Helsinki waxay ku dhawaaqday go’aankeeda ay ku iibsatey raxan ka kooban 64 xabbo oo F-35 ah oo ah diyaaradaha dagaalka ee raadaarka ka dhuunta si ay ugu beddesho raxanta F/A-18 Hornets ee gabowdey.

Raxanta F-35 ee ugu horreeysa ayaa la filayaa inay yimaadaan Rovaniemi sanadka 2026-ka, iyadoo inta soo hartayna ay halkaa ka howlgeli doonaan 2030-ka.

Haddii codsiga Finland ee ku biirista Gaashaanbuurta NATO, oo Helsinki ay gudbisey Maajo 17, la ansixiyo, tirada F-35 ee isbahaysiga millateriga ee woqooyiga Yurub ayaa si wayn u kordhin doonta, maadaama Norway oo xubin ka ah NATO ay horey u heshay 34 ka mid ah 52 diyaaradood oo cusub oo u dalbanaa.

Halka inta badan dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee F-35 ee Norway ay ku sugan yihiin saldhigga cirka ee Orlandet ee koonfurta dalkaasi, dhowr diyaaradood ayaa uu saldhigoodu yahay woqooyiga Cirif-qaboobaha Arctic Circle, gaar ahaan Saldhiga Cirka ee Evenes, taas oo qayb ka ah ciidamada Jawaabta Deg Degta ah bixiya ee NATO (QRA).

Maalintii Khamiistii, laba diyaaradood oo F-35 ah ayaa ka duulay saldhiggaasi si ay u qabtaan laba diyaaradood oo Ruushku leeyahay oo dul heehaabayey Badda Barents Sea, kuwaas oo aan ku soo xadgudbin hawada Norway, sida ay Ruushku ku doodayaan.

Haddii dayuuradaha F-35-ta ee Finnish-ka ee uu fadhigoodu yahay saldhigga Rovaniemi ay sidoo kale noqdaan qayb ka mid ah ciidamada isbahaysiga ee QRA, waxay ku qaadan doontaa waqti aad uga yar kuwa Norway si ay u qabtaan diyaaradaha millateriga Ruushka ee ay dhici karto ah inay duulaan galbeedka Jasiiradda Kola.

Suurtagalnimo noocaas ah, ayaan se si kastaba ha ahaatee ahayn mid hubban, waxaan F-35-yada Finnish-ka loo xilsaari karaa ilaalinta xuduudka dhuleed ee jiidan 1,340 kiiloomitir ee uu dalkaasi la wadaago Ruushka.

Ad
Previous articleWasiir ku Xigeenka arimaha Dibada oo ka Horyimid Go,aan ka soo P.M Rooble
Next articleWararkii ugu danbeeyay Xiisad dagaal oo ka taagan Magaalada Buuhoodle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here