Home Wararka Caalamka FBIda Maraykanka oo shaacisay ninkii Toogtay TRUMP Halka uu ka yimid iyo...

FBIda Maraykanka oo shaacisay ninkii Toogtay TRUMP Halka uu ka yimid iyo waxa uu ahaa

0

FBI-da ayaa shaacisay in Matthew Crooks oo 20 jir ah uu ahaa “qofka looga shakisan yahay” isku daygii dil ee Sabtidii ka dhanka ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Falkan ayaa noqonaya mid kamid ah falalkii ugu caansanaa ee rabshado siyaasadeed ee Mareykanka ka dhaca muddo tobanaan sano ah.

Hay’adda sharci fulinta ayaa war-saxaafadeed kooban ku sheegtay in Crooks uu ka yimid magaalada Bethel Park ee gobolka Pennsylvania, taasi oo hal saac u jirta goobta uu isu soo baxa siyaasadeed uu ka dhacayey ee Trump looga toogtay dhegta isaga oo khudbad jeedinaya.

Bayaanka laguma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan Crooks, kaasi oo goobjoogeyaal ay sheegeen inuu rasaasta ka soo furay saqafka meel u dhow goobta isu soo baxa, kahor inta aysan toogan ciidamada amniga.

FBI-da ayaa sheegtay inuu jiro “baaritaan taagan oo socda” oo lagu sameynayo falkan, ayada oo codsatay in qof kasta oo akhbaar haya uu si degd eg ah ula soo xiriiro mas’uuliyiinta.

Ugu yaraan hal qof oo ka mid ah dadkii daawanayey Trump ayaa la dilay halka laba kale si darran loogu dhaawacay toogashada oo ka dhacday meel banaan ah oo ku taalla magaalada Butler.

Goor hore oo Axaddii ah, Kevin Rojek, wakiilka gaarka ah ee FBI-da ee xafiiska Pittsburgh ayaa weriyayaasha u sheegay “in ay la-yaab tahay” in ninka hubeysnaa uu riday afar ama shan xabbad kahor inta aan toogasho lagu dilin.

“Hadda ma hayno ujeeddo la aqoonsan yahay, in kasta oo baarayaasha ay si hagar la’aan ah uga shaqeynayaan inay isku dayaan inay ogaadaan waxa ujeeddadu ahayd,” ayuu yiri Rojek, isagoo xusay in baaritaanku uu qaadan karo bilo.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Trump ku sheegay in uu “wanaagsan yahay” kaddib markii lagu toogtay xabbad ka haleeshay qaybta sare ee dhegta midig. Trump ayaa laga soo saaray isbitaalka goor dambe oo Sabti ah.

“Waa wax cajiib ah in falkan oo kale uu ka dhici karo waddankeena,” ayuu Trump ku daray.

Dhacdadan ayaa halis galinaysa in ay sii xoojiso tartanka adag ee madaxtinimo iyo in ay sii huriso hadallada markii horeba kululaa ee ku xeeran doodda qaran.

Waxay sidoo kale dhalisay in madaxweyne Joe Biden, madaxweyne ku-xigeen Kamala Harris iyo madaxweynihii hore Barack Obama ay soo saaraan qoraallo xooggan oo ay ku cambaareynayaan rabshadaha siyaasadeed.

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24
Ad
Previous articleDad Soomaali ah oo lagu laayay deegaanka Canfarta
Next articleHubka lagu toogtay Donald Trump oo la ogaaday cidda lahayd