Home Wararka Maanta FBI-da oo go’aan hor leh ka soo saartay haweeney lacag badan la...

FBI-da oo go’aan hor leh ka soo saartay haweeney lacag badan la goosatay

0

Ruja Ignatova, oo sidoo kale loo yaqaanno “Boqoradda lacagta labanlaabanta”, ayaa lagu soo daray liista hay’adda FBI ee tobanka qof ee loogu doondoonista badan yahay caalamka.

Haweeneydan oo u dhalatay waddanka Bulgaria ayaa loo raadinayaa eedeymo la xiriira inay ku lug leedahay khiyaano lagu dhacay lacagta internetka lagu kala sarrifo ee loo yaqaanno OneCoin.

Taliska FBI-da Mareyknaka ayaa haweeneydan baxsadka ah ku eedeeyay in ay adeegsatay nidaam ay ku khiyaantay dadka ay ka dhacday lacag marka la isku geeya gaaraysa $4bn (£3.2bn).

Waxaa gabadhan la la’yahay tan iyo sanadkii 2017-kii – xilligaas oo booliska Mareykanka ay soo saareen warqad fasaxaysa in lasoo xiro. Waxaa sidoo kale isla markaas la billaabay baaritaan loogu kuur galayay waxyaabaha ay samaysay.

Ms Ignatova waxa ay qayb ka ahayd maamulka shirkad lagu magacaabayay OneCoin oo howlgalkeeda billowday sanadkii 2014-kii, taasoo dadka isticmaalay u ballan qaadday in ay lacag dheeri ah helayaan haddii ay dad kale kasii iibiyaan lacagaha ay shirkadda ku shaqaynaysay.

Balse FBI ayaa sheegtay in OneCoin aysan marnaba noqonin shirkad ganacsi oo lagu kalsoonaan karo, maadaama aysan raacin waddada shirkadaha kale ee ka shaqeeya lacagaha online-ka ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in shirkaddan ay ahayd mashruuc khiyaano ah oo loo ekeysiiyay ganacsiga lacagta lagu kala sarrifo internet-ka.

“Waxa ay mashruuceeda khiyaanada ah si fiican ugu beegtay maalmihii ugu horreeyay ee la xiisaynayay lacagaha online-ka,” ayuu yiri Damian Williams, oo ah Dacwad oogaha sare ee ka howl gala gobolka Manhattan ee dalka Mareykanka.

FBI-da ayaa shakhsiyaadka baxsadka ah kusoo darta liiska dadka ay sida aadka ah u raadinayso kaddib marka ay u maleyso in ay shacabka ku caawin doonaan soo qabashada qofkaas.

Taliska hay’adda ayaa bayaan ay soo saareen Khamiistii ku sheegay in ay lacag abaalmarin ah oo gaaraysa $100,000 siin doonaan qof walba oo keena xogta horseedi karta in lasoo xiro haweeneydan.

Sanadkii 2019-kii ayaa Ms Ignatova lagu soo oogay dacwad ka kooban ilaa siddeed qaybood, oo ay ka mid tahay inay ku kacday khiyaano dadweyne iyo musuqmaasuq.

Waa haweeneyda kaliya ee magaceeda uu ka dhex muuqdo liiska tobanka qof ee ay FBI ugu raadiska badan tahay.

Muddo dheer ayey dad kala duwan isku dayayeen inay sameeyaan qaab ay dhinaca Internetka ugu abuuraan barnaamijyo lacago lagu shubto, laakiin way ku guul darreysanayeen, sababtoo ah ma jirin cid aamineysay. Waxaa laga baqaa khiyaano, wayna sahlan tahay in wax la been abuuro.

Ad
Previous articleKaaliyihii hore ee wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsanayd Afrika, Jendayi Frazer, ayaa sheegtay in Kenya iyo Ethiopia ay oggolaayeen aqoonsiga Somaliland,
Next articleMareykanka oo war laga naxo u sheegay Dadka Tiktok isticmaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here