Home Wararka Maanta Faroole oo eedayn Culus u jeediyay Cumar Cabdirashiid Xili usheegay inuu Balan...

Faroole oo eedayn Culus u jeediyay Cumar Cabdirashiid Xili usheegay inuu Balan uga Baxay

0

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid uu khilaafay bayaankii ay xalay ka soo saareen arrinta Boosaaso.

Faroole ayaa sheegay in Cumar Cabdirashiid uu la ogaa hawsha ay wadeen, balse uu si lama filaan ah uga baxay garabkooda markii ay soo saareen bayaanka taasoo uu sheegay iney aad uga yaabisay.

“Cumar baan idiinka dacwooneynaa, Cumar ama dadka ku soo dara ama siyaasad dambe yuusan ka hadlin, isagoo Prime Minister raadinaya yaan la arkin” ayuu ka sheegay goob uu uga hadlayay arrimaha Boosaaso.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay inuusan waxba ka ogeyn qoraal ay ku saxiixnaayeen isaga iyo madaxdii hore ee Puntland oo lagu naqdinayey go’aanadii ka soo baxay isimada Puntland qaarkood ee la xiriiray xalka xilka ka qaadistii taliyaha PSF iyo dagaalkii ka dhacay Boosaaso.

Qoraal uu ku baahiyey boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku yidhi “Waxaan caddaynayaa inaan la igala ashan oo aanan qayb ka ahayn bayaankan soo baxay iyo hadallada uu xambaarsanaa. Boosaaso dhibka soo gaadhay xal iyo baaq nabadeed keliyaa u dan ah”.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMadaxweyne Deni oo Gudoomiyihii Gobalka Beri Xilka Ka Qaaday mid Cusubna Magacaabay
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Kulan la qaatay Suldaan Mowliid Sheikh Jaamac Suldaan Axmed Nuur