Home Wararka Maanta Farmaajo oo Si kulul Uga Hadlay Dilkii loo Gaystay Abwaan badal

Farmaajo oo Si kulul Uga Hadlay Dilkii loo Gaystay Abwaan badal

0

Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Allaha u naxariistee, Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo caawa lagu dilay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale caafimaad degdeg u rajeeyey muwaadiniinta uu dhaawacu ka soo gaaray weerarkii hoobiyaha loo adeegsaday ee maanta lala beegsaday xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa, kuwaas oo labo ka mid ah ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay ku jireen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Beddel Jaamac Xirsi uu ahaa abwaan iyo nabaddoon lagu yiqiin samadoonnimo, waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo door lama illaawaan ah ka qaadan jirey wacyigelinta bulshada, nabadaynta, dowlad-dhiska dalka.

 

 

Alle ha u naxariistee Marxuum Beddel Jaamac Xirsi waxaa uu ahaa haldoor, abwaan iyo nabaddoon bulshada ka wacyi gelin jirey aafada qabyaaladda, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha, waxaana uu mar walba ku baraarujin jirey taageerada dowladnimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xanuunka tacsida la qaybsanayaa ehelka Marxuumka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xafiiska Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyey weerarkii hoobiyaha loo adeegsaday ee maanta lagu qaaday xarunta Villa Hargeysa.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXubin Ka Tirsanaa Alshabaab oo lasoo Bandhigay(Sawiro)
Next articleDiiwaan Galinta Musharixiinta U Tartamaysa Gudoomiyaasha Labada Aqal oo Maantay Bilaabanaysa