Home Wararka Maanta Farmaajo oo Beri kusoo Wajahan Muqdisho

Farmaajo oo Beri kusoo Wajahan Muqdisho

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa berri ku soo wajahan magaalada Muqdisho.

Lama oga in ay arrimo siyaasadeed la xiriirto iyo in kale dib usoo laabashada Farmaajo ee dalka balse ilo wareedyo la socda wafdiga madaxweynihii hore ayaa Shabelle u xaqiijiyey in uu berri ka soo degayo gagida diyaaradaha ee Aadan Cade.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sidii talada dalka looga guuleystay ku noolaa dalka dibadiisa ayaa dhowr jeer ku dhaliilay DFS ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh in ay ku deg degtay furista iyo wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, talaabadaas oo uu ku tilmaamay in tahay mid wax u dhimaysa midnimada umadda Soomaaliyeed.

 

Ad
Previous articleEthiopian Airlines oo Ka Hadlay wixii ay hawada kala kulantay Sabtidii iyo in ay isku dhici gaadheen Qatar Airways
Next articleSafiirka boqortooyada UK u fadhiya Soomaaliya oo ka Nixiyay Muuse Biixi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here