Home Wararka Maanta Fariin Cusub oo loo Diray Musharixiinta Beri Ku Tartamaysa Madaxweynaha Soomaaliya

Fariin Cusub oo loo Diray Musharixiinta Beri Ku Tartamaysa Madaxweynaha Soomaaliya

0

Guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha ayaa war cusub kasoo saaray doorashada hoggaanka dalka oo beri oo Axad ah 15-ka May ka dhaceysa Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga ayaa waxaa fariin loogu diray xubnaha musharixiinta ah, iyada oo laga dalbaday in musharrax kasta uu soo gudbiyo qof wakiil uga ah tiririnta codadka doorashada, xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

Sidoo kale guddiga ayaa u qabtay musharixiinta inay ku soo gudbiyaan illaa 12:30am duhurnimo ee maanta, haddii kale aysan u suurta gelin in hoolka uu yimaado qofka wakiilka ah.

“Musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda .FG: Waqtiga kamadanbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30am (duhurnimo) ee maanta,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, waxaan bandow lagu rogay caasimada, kaas oo bilaabanay 9:00 fiidnimo ee caada, sida uu shaaciyey Booliska Soomaaliya.

Tartanka doorashada ayaa ah mid aad u adag, waxaana ku loolamaya ku dhowaad 40 musharrax oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ee dalka oo uu ku jiro Farmaajo.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleShir Xasaasi oo Looga Hadlayay Sugida Amniga Doorashada Beri oo Muqdisho lagu Qabtay(Sawiro)
Next articleMusharixiinta Ugu Cadcad ee Beri ku loolami Doona Xilka Madaxweynaha Soomaaliya(Xog)