Home Wararka Maanta Fannaanka Costa Titch oo geeriyooday isagoo heesaya.

Fannaanka Costa Titch oo geeriyooday isagoo heesaya.

0

Fanaanka caanka ah ee u dhashay dalka Koonfur Afrika, Costa Titch, ayaa lagu soo waramayaa inuu geeriyooday xilli uu masraxa saarnaa, sida ay sheegtay warbaahinta.

Fanaanka oo magaciisa saxda ah lagu sheegay, Costa Tsobanoglou, ayaa la sheegay inuu isla goobta ku dhintay, isagoo ku guda jira bandhig faneed uu ka qeyb galayay xaflad faneed habeenkii Sabtida.

Costa oo sidoo kale ah qoob-ka-cayaare, ayaa waxa uu ku dhashay 1995-tii gobolka Mpumalanga, waxa uu lahaa heeso caan oo hirgalay, oo ay ka mid yihiin Nkalakatha iyo Activate.

Warka dhimashadiisa, ayaa waxaa ku xaqiijiyay madaxa wararka madadaalada ee dalkaas, Phil Mphela bogiisa Twitter-ka.

Habeennimadii Sabtida, ayaa waxaa la is weydaar sanayey fariimo tacsi ah, oo lagu soo gudbinayey bogga madaxa madadaalada.

Ad
Previous articleNin gabdhaha uu shukaansado ‘kabaha ka xadi jiray’ oo si layaab leh lagu ogaaday
Next articleMareykanka oo Cadeeyey Sababta uu U Diiday dhowr codsi oo uga yimid Ciidamada Dowlada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here