Home Wararka Maanta Falcelin xooggan oo ka dhalatay hadalkii Cali Jeyte ee U Saaxafada U...

Falcelin xooggan oo ka dhalatay hadalkii Cali Jeyte ee U Saaxafada U jeediyay

0

Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay shir jaraa’id oo uu qabtay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo hadda loo magacaabay hoggaamiyaha ciidamada Macawiisley ee Shabaab kula dagaalamaya gobollada dalka, kaasi oo uu shaaciyey halka ay ku dambeyso qadiyadda maamulkii uu ku dhawaaqay ee Hiiraan State.

Cali Jeyte ayaa shirka jaraa’id ku sheegay in qadiyadii Hiiraan State lagu balamay in dib loo dhigo ka hadalkeeda, markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh tegay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa sheegay in kulankaas ay ka soo qeyb-galeen inta badan masuuliyiinta beesha Xawaadle ku metesha dowladda federaalka, islamarkaana uu Madaxweynuhu codsaday in dib loogu dhigo qadiyad kasta oo la dagaalanka Shabaab aan aheyn.

“Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in qadiyadaha kale dib loo dhigto oo dagaalka Shabaab la galo, marka qadiyadii Hiiraan State sidii ayey u taagan tahay, mana ahan qadiyad aan jeebka kuwato ee waa qadiyad ay beesha Xawaadle ka mideysan tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte.

Hadalkaas wuxuu sheegay in Xawaadle uu ka aqbalay Madaxweynaha, iyadoo isla fadhigaas lagu go’aamiyey oo Madaxweynuhu soo jeediyey in Cali Jeyte laga dhigo hoggaamiyaha Macawiisley oo dhan, gobol kasta oo ay joogaan.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay hadalka Jeyte?

Maxamed Dhagajuun: “Jeytow aaway dee State-kii madaxda ka aheyd.”

“Waxaad wax ku aheyd dadkaada laakiin bal maanta yaa kula shaqeynaa oo kula dhimanaayo dadkeenii wax aay god ugaleen in ay sharaf iyo karaamo ugu nooladaan laakiin adiga in aad gumeyso ayaad ka doorbiday,” ayuu yiri Jaabir Cabdullaahi.

Ifraax Mahad: “Halyeey Cali Jeyte Ilaahay ha kugu asturo xilka lagu dhiibay guuleyso Ilaahay idankii.”

Daahir Daacad ayaa isna yiri: “Cali Jeyte ciidan Macawisley ah oo tiradiisa tayadiisa la yaqaan ma hogaamin doonaa mise waa igu sawir.”

“Taliyaha Macawisleyda HirShabeelle soo dhowaaw mudane waa kula shaqeyn doonaa Insha Allah fowdo iyo maamul aan sharciyeysneyn waa laga tagay, xilka Allaha ha kugu asturo,” ayuu yiri Dubad Calasow.

Bilaal Cabdullahi: “Cali Jeyte waa fahmay sida loo shaqeysto.”
Ad
Previous articleP.M Xamsa Cabdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo Doorka….(Sawiro)
Next articleBiden oo sheegay in uu doonayo in uu soo afjaro ka qeyb-galka dalalka Gabon, Niger, Uganda iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here