Home Wararka Maanta Faahfaahinta wasiiradda Soomaaliya ee helay lacagta ugu badan

Faahfaahinta wasiiradda Soomaaliya ee helay lacagta ugu badan

0

Baarlamaanka Federaalka ayaa toddobaadkan ansixiyay miisaaniyaddii dowladda ee sanadka soo socda, taas oo gaareysa in ka badan hal bilyan oo doolar.

Waa tii ugu badneyd abid ee la ansixiyo. In ka badan kala bar lacagtaas waa deeqo laga helayo dibeda oo ay bixinayaan hay’addo caalami ah.

Miisaaniyadan ayaa ah dhaqaalaha ay ku howlgelidoonaan hay’adda dowladda, sida xafiisyada madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo guddoomiyeyaasha baarlamaanka, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee qaran.

Waxaa qeyb ka ah mushaaraadka xubnaha baarlamaanka ee kala bar ka badan la kordhiyay, kan shaqaalaha rayidka iyo ciidanka.

Hadda ba, sidee baa loogu qeybiyay miisaaniyadda Wasaaradaha Xukuumada Federaalka ah, wasiiraddii helaya qoondada lacageed ee ugu badan, iyo kuwa loo qoondeeyay dhaqaalaha ugu yar ee miisaaniyadda sanadka soo socda?

Wasaaradda Maaliyadda – Tan ugu qoondada weyn dhanka dhaqaalaha

Wasaaraddan oo dhowr bil kahor yeelatay wasiirkii labaad oo ah Biixi Imaan Cige, oo ah xildhibaan gobolka Waqooyi Galbeed ku metela baarlamaanka ayaa loo qoondeeyay lacag ka badan Boqol, labaatan iyo sideed Milyan oo doolar (128,113,123).

Lacagtaas waa inta ay ku howlgaleyso wasaaradda, waxaa na ka baxsan lacag kale ee xafiiska Xisaabiyaha Guud, Xafiiska Adeega Guud ee Dowladda, Agaasinka Xarunta Warbixinada Maaliyadda, iyo Hay’adda Iibka iyo Qandaraasyada.

Lacagta guud ee ku baxaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’addaas waxay gaareysa labo boqol, labaatan iyo saddex milyan oo doolar.

Tan waxay ka dhigeysaa Xildhibaan Biixi wasiirka ugu qoondada weyn miisaaniyadda, oo ay soo diyaarisay wasaaraddiisa, iyo mid ka mid ah wasiiradda ugu muhiimsan xukuumadda Xamse Cabdi Barre.

Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada.

Wasaaraddan oo uu xilkeeda haya xildhibaan Maxamed Cilmi Ibraahim oo ku fadhiya mid ka mid ah kuraasta gobolka Awdal waa tan labaad ee ugu miisaaniyadda weyn dhammaan wasaaradaha dowladda federaalka ah.

Xildhibaan kan oo helay xilkan wasiirnimada kadib markii Dr Cilmi Maxamuud Nuur laga qaaday xilka wasiirka maaliyadda dhowr bil ka hor ayay wasaaradiisu heshay lacag ka badan toddobaatan iyo sideed milyan, saddex boqol, sideedan iyo toddobo kun oo doolar.

Labo milyan oo ka mid ah lacagtaas waxay ku baxaysaa gunooyin iyo mushaar, halka hal milyan oo kale na ay ku baxayso socdaal, shirar iyo kiro.

Lacag kale oo dhan hal milyan iyo saddex boqol oo doolar waxay ku baxaysaa shidaalka iyo saliida, qalab isgaarsiin, iyo agabka xafiisyadda.

Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Waa tan saddexaad ee ugu qoondada weyn wasaaradda federaalka, waxaa na ku magacaaban Jaamac Taqal Cabbaas, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah oo laga soo doorto Koonfur galbeed.

Qoondada miisaaniyadda ee wasaarad waxay gaareysaa Lixdan iyo saddex milyan oo doolar.

Lacag ku dhow 35 milyan waxay ku baxaysa adeegga Latalinta iyo Xirfadaha, halka lacag kabdan labo milyan iyo shan boqol ay ku baxayso Kharashka socdaalka iyo Shirarka.

Wasaaraddda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska.

Wasaaraddan oo uu ku magacaaban yahay Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir waxay qaabilsan tahay arrimaha la xiriira dhismeyaasha dowladda iyo howlaha guud.

Waxay ku shaqeyneysaa miisaaniyad ka badan kontan iyo labo milyan oo doolar.

Lacag ku dhow saddex milyan waxay ku baxaysaa adeega iyo agabka wasaaradda, halka lacag kale oo ku dhow hal milyan oo doolar na ay ku baxayso socdaal iyo shirar.

Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka ee uu madaxda ka yahay Xildhibaan Cali Xaaji Aadan waa tan shanaad ee ugu miisaaniyadda weyn wasaaradaha federaalka ah, iyada oo ku shaqeyneysa lacag dhan kontan iyo labo milyan oo doolar.

Xildhibaan waxa uu baarlamaanka federaalka ah ku matelaa gobolka Hiiraan.

Afar milyan oo ka mid ah qoondada wasaaradda waxay ku baxaysaa adeeg iyo agab, halka lacag ku dhow saddex milyan iyo bar na ay ku baxayso Adeegga Latalinta iyo Xirfadaha.

Wasaaradaha ugu miisaaniyadda yar xukuumada.

Shanta wasaarad ee ugu miisaaniyadda yar waxay kala yihiin wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee uu hoggaamiyo xildhibaan Maxamed Barre ee baarlamaanka ku matela gobolka Shabeelada Hoose.

Wasaaradaas oo dhan waxaa loo qoondeeyay lacag dhan hal milyan oo doolar. Lacagtaas badideed waxay ku baxaysaa gunooyin iyo mushaar.

Tan xigta waa Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadan ee ay ku magacaaban tahay xildhibaanka iyo aan mudada dheer dhicin Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, oo laga soo doorto gobolka Shabeelada Dhexe.

Wasaaradan waxaa loo qoondeeyay hal milyan iyo boqol iyo kontan kun oo doolar.

Lacag ku dhow hal milyan oo ka mid ah qoondadaas waxay ku baxaysaa mushaar iyo gunooyin.

Waxaa la mid ah Wasaaradda Bii’ada iyo isbadalada Cimilada ee Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo ah safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay Pakistan.

Waxaa loo qoondeeyay wasaaradaas lacag ka yar hal milyan iyo bar doolar.

Waxaa xiga wasaaradda Amniga gudaha oo loo qoondeeyay hal milyan iyo lix boqol oo kun oo doolar.

Waxaa lacagtaas ka baxsan miisaaniyadda Taliska Ciidanka Booliska, Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee hoos yimaada wasaarada Amniga gudaha.

Ad
Previous articleXasan shiikh oo ka Dagay Dalka Uganda Iyo Ujeedka Safarkiisa oo la Shaaciyay
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay kiiska shilka baabuur ee la sheegay in wiilkiisu baxsad ka yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here