Home Wararka Maanta Faahfaahinta diyaarad gargaar sidday oo ka baxday dhabaha diyaaradaha Ceelbarde

Faahfaahinta diyaarad gargaar sidday oo ka baxday dhabaha diyaaradaha Ceelbarde

0

Wararka ka imaanaya degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in hal qof uu dhintay halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray kadib markii ay diyaaradda ka baxday dhabaha diyaarada ka caga dhigtaan ee degmadaas.

Qofka dhintay ayaa ah duuliyaha diyaaradda, waxaana dhaawacu soo gaaray kaaliyaha duuliayaha oo ag fadhiyay.

Tirada guud ee dadka saarnaa diyaaraddaasi ayaa ahaa afar qof, waxayna ka soo amba baxday magaalada Muqdisho.

Labada qof ee kale ee diyaradda saarnaa ayaa la sheegay inay aad u naxeen oo wax hadal ah uusan afkooda ka soo baxeyn.

Diyaaradda ayaa gargaar u sidday mid kamid ah hay’adaha aan dowliga ahayn oo ka howl gala degmadaasi Ceelbarde.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo hawada ka celisay diyaarad labaad oo ku socotay Hargeysa
Next articleHal Shuruud oo adag ayay ku xirtay Soomaaliya wadahadal ay la gasho Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here