Home Wararka Somaliya Galmudug Faahfaahino Dheeri oo kasoo baxaya dil loo geestay Cabdi Mahad Cabdullaahi oo...

Faahfaahino Dheeri oo kasoo baxaya dil loo geestay Cabdi Mahad Cabdullaahi oo Gaalkacyo lagu Dilay

0

Waarka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi nin ilaalo ka ahaa hotel uu dil ugu geestay wiil dhallinyaro ah oo ku shaqeesanayay mooto bajaaj.

Sida aan wararka ku helnay ninka ilaalada ka hayay hotelka iyo wiilka uu dilay oo lagu magacaabayay Cabdi Mahad Cabdullaahi Maxamed ayaa waxaa dhax maray muran , kaa oo markii dambe keenay in ninka hubeesnaa rasaas la dhaco wiilka dhallinyarada.

Ciidamada amniga ee ka howlgala magaalada Gaalacyo oo soo gaaray goobta dilku ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay ninka gacan ku dhiiglaha ah , ciidamada amniga ayaana wada baaris ku aadan dilka iyo sababaha keenay  .

Wiilka la dilay oo kamid ahaa dhallinyarada ku shaqeesata mooto bajaajta ayaa warar kale aan helnay sheegayaan in uu kamid ahaa dhallinyaradii dhawwaan gashay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare .

Ad
Previous articleDuuliyaal Diyaaradeed oo dagaalamay diyaarada oo hawada ku jirta oo Talaabo adag laga Qaaday
Next articleGalmudug oo war ka soo saartay dagaalladii khasaaraha Badan Dhaliyay ee ka dhacay Gobalka Galgaduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here