Waarka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi nin ilaalo ka ahaa hotel uu dil ugu geestay wiil dhallinyaro ah oo ku shaqeesanayay mooto bajaaj.
Sida aan wararka ku helnay ninka ilaalada ka hayay hotelka iyo wiilka uu dilay oo lagu magacaabayay Cabdi Mahad Cabdullaahi Maxamed ayaa waxaa dhax maray muran , kaa oo markii dambe keenay in ninka hubeesnaa rasaas la dhaco wiilka dhallinyarada.
Ciidamada amniga ee ka howlgala magaalada Gaalacyo oo soo gaaray goobta dilku ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay ninka gacan ku dhiiglaha ah , ciidamada amniga ayaana wada baaris ku aadan dilka iyo sababaha keenay .
Wiilka la dilay oo kamid ahaa dhallinyarada ku shaqeesata mooto bajaajta ayaa warar kale aan helnay sheegayaan in uu kamid ahaa dhallinyaradii dhawwaan gashay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga
Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad