Home Wararka Maanta Faahfaahin Sarkaal sare ‘oo ka badbaaday’ qarax xeradiisa loo geliyay

Faahfaahin Sarkaal sare ‘oo ka badbaaday’ qarax xeradiisa loo geliyay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in degmada Qoryooleey ee gobolkaasi uu qarax uga badbaaday Taliyihii ciidanka degaanka ee degmadaasi.

Qaraxaan ayaa waxaa la sheegay in gudaha loo geliyay xerada ciidanka uu hoggaamiyo uu degan yahay, kaasi oo khasaare kasoo gaaray ciidankii ku sugna xerada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxan ay ku dhinteen illaa 5 kamid ah ciidankii ku sugnaa xerada, ayada oo Taliyaha ciidanka deegaanka Qoryooleey oo la aaminsan yahay inuu ahaa bartilmaameedka uu ka badbaaday.

Qaraxaan ayaa kala shaki ka dhex abuuray ciidamada deegaanka ee gacanta ku haya amniga degmada Qooryooleey, ayada oo lasoo warinayo in ciidamada u kala jabeen labo garab oo u abaabulan hab qabiil.

Dhinaca kale, xaaladda ayaa kasii dartay kadib markii saaka askari ka tirsan ciidanka lagu dilay gudaha magaalada, kaasi oo uu dilay askari kale oo sheegay inuu ka shakiyay.

Labada garab ee ciidanka ayaa difaacyo ka kala sameystay gudaha magaalada, ayada oo dadka deegaanka ay cabsi weyn ka muujinayaan in korkooda ay ku dagaalaman ciidamadan u kala qeybsamay hab beeleedka.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay kooxda Al-Shabaab nafis ka heshay howl-galladii dagaal ee ka dhanka ah, kadib markii bilihii u dambeeyay uu hoos u dhac ku yimid gulufka, ayada oo ciidamada iskaashanaya ay baneeyeen deegaano uu dhiig ku daatay oo horey looga xoreeyey Al-Shabaab.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMadaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir laga saaray goobtii lagu hayay ogoow Sababta
Next articleWar Deg Deg ah: Iskuday lagu Afganbinaayay abiya Axmed oo Fashilmay