Home Wararka Maanta Faahfaahin ka soo baxaysa duqen Israa’iil ka gaysatay Xerada Jeniin ee Falastiin

Faahfaahin ka soo baxaysa duqen Israa’iil ka gaysatay Xerada Jeniin ee Falastiin

0

Israa’iil ayaa howlgal militari oo aad u ballaaran ka billowday Daanta Galbeed ee la haysto. Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in ugu yaraan 3 qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen kuwa kalana ay si xun u dhaawacmeen, kadib duqeyn dhanka cirka ah oo ay fulisay diyaarad dagaal oo Israa’iil leedahay.

Waxaa la arkayay duqeynta kadib qiiq iyo uuro holac wadata oo cirka isku shareertay waxaana la aaminsanyahay in duqeynta lala beegsaday guryo iyo xaruumo kale.

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya tobanaan Falastiiniyiin ah oo hubaysan oo wajiyada soo duubtay, kuwaas oo ku sugan dariiqyada xerada Jeniin.

Ad
Previous articleShacabka Garbahaarey oo mowqif ka qaatay maamulka cusub ee GEDO
Next articleUN Iyo AU Oo War Kasoo Saaray Mustaqbalka Ciidanka Burundi Ee Ka Howlgala Soomaaliya Xili la bilaamay in Laga Saaro Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here