Faah-faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Gaariga oo ahaa Toyota Land Cruiser oo ay Soomaalida u taqaano (Layla Calaawi) ayaa ku qarxay halkaas, waxaana firirka qaraxa uu gaaray xaafado ay deggan yihiin dad shacab ah.
Sidoo kale qaraxa kadib ayaa waxaa rasaas furay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee ku sugnaa aagga uu weerarka qaraxa ah ka dhacay.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan oo jugtiisa si xoogan looga maqlay magaalada Muqdisho ku dhintay ugu yaraan hal qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen labo kale.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale goor dambe goobta gaaray, kuwaas oo howlgallo kooban ka sameeyay meesha uu qaraxu ka dhacay.
Ma jiro wax faah-faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaas oo bartilmaameedkiisu ahaa in lala beegsado ciidamada xasilinta caasimada ee deggan halkaasi.