Home Wararka Maanta Faahfaahin Dheeri ah oo Laga Helay Dilka Taliye Cali Xasan Siyaad (Cali...

Faahfaahin Dheeri ah oo Laga Helay Dilka Taliye Cali Xasan Siyaad (Cali Tariin)

0

Wararka ka imaanaya degmads Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay sargaal katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya.

Cali Xasan Siyaad (Cali Tariin) oo ahaa sargaal katirsan ciidanka booliiska kana howlgalayay degmada Dayniile ayaa la sheegay in la dilay lagana qaatay biskoolad uu watay.

Dilka sargaalkan ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana wararka qaar sheegayaan in uu dilay askari kale oo ay wada socdeen kaddib muran uu soo kala dhax galay.

Ciidamada booliiska ayaana bilaabay baaritaano ku aadan dilkan loo geestay sargaalka, waxaana baxsaday oo baadigoob loogu jiraa askariga dilka geestay.

Dhawwaan ayey aheyd markii askari katirsan ciidanka booliiska sidaan oo kale u dilay taliyihii ciidanka booliiska ee waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile

 

Ad
Previous articleJubaland oo Eeday Culus u Jeedisay Dowlada Federalka Soomaaliya
Next articleDowladda Soomaaliya oo Mushaarka u kordhiyay Ciidamada NISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here