Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo saaka aroortii hore ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo illaa iyo hadda lagu howlan yahay damintiisa.
Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga kacay qaybta Cabdalla Shideeye ee suuqa, wuxuuna kusii fiday goobo horleh.
Qaar kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dabka uu yahay mid xooga, isla markaana uu gaystay khasaare baaxad leh.
Sidoo kale waxaa haatan soconata gurmad ay wadaan gaadiidka dab damiska dowladda hoose ee Xamar iyo kuwa shirkada Hormuud oo hada ku sugan suuqa weyn ee Bakaaraha.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana suuqa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sugaya amniga, si looga hortago boob loo gaysto ganacsiga suuqa.
Gubashada Suuqa Bakaaraha ayaa marar badan soo laa laabatay, dowladduna ma baarto sababta keenta dabka sanad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqa Bakaaraha.