Home Wararka Maanta Faahfaahin Burcad-badeedii Soomaaliyeed ee afduubatay Markabkii MV Ruen oo la geeyay Mumbai...

Faahfaahin Burcad-badeedii Soomaaliyeed ee afduubatay Markabkii MV Ruen oo la geeyay Mumbai (Sawirro)

0

Ciidamada badda dalka Hindiya ayaa ka dejiyay magaalada Mombai ee dalkaasi 35-nin oo ahaa burcad-badeed Soomaali ah, kuwaa la qabtay iyaga oo afduub ku heesta markabka lagu magacaabo MV Ruen.

Howlgal guuleestay oo ciidamada badda dalka Hindiya ka fuliyeen gudaha markabka MV Ruen ay heesteen burcad-badeed Soomaali ah ayey kusoo bad baadiyeen shaqaalihii markabka, waxa ayna xireen 35-nin oo kamid ahaa burcad-badeedii afduubka geesatay.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda Hindiya, oo lagu magacaabi Vivek Madhwal, ayaa sheegay in kooxda burcad-badeedda Soomaalida laga dejiyay magaalada Mobai, waxa uuna sheegay in halkaasi ka bilaaban doonto maxkamadeynta burcad-badeedaasi.

Burcad-badeeda Soomaalida ayaa wajihi kara xukunno adag oo isugu jira dil, xabsi daa’in ama sannado badan oo xabsi ah, haddii lagu helo in ay geesteen dil ama isku day dil iyo sidoo kale afduub.

Ciidamada badda Hindia ayaa awood ciidan u adeegsaday soo qabashada burcad-badeeda Soomaalida oo isku dayay in ay is difaacaan, waxaana lasoo furtay markabkii ay qafaasheen bishii December iyo shaqaalihii saarnaa.

Burcad-badeeda la geeyay dalka Hindiya ayaa qafaashay markabka  MV Ruen oo laga leeyahay dalka Bulgaariya, balse ku gooshayey calanka dalka Malta, kaas oo burcad baddeed Soomaali ah ka soo afduubeen biyaha caalamigaa dhammadkii sanadkii 2023-kii.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDadkii Xalay Daacish Ruushka ku laysay oo 100 Kor u Dhaafay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Deni, Farmaajo iyo Shariif oo shirkoodii ka soo saaray qodob xasaasi ah