Home Wararka Maanta Dadkii Xalay Daacish Ruushka ku laysay oo 100 Kor u Dhaafay

Dadkii Xalay Daacish Ruushka ku laysay oo 100 Kor u Dhaafay

0

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerarkii xalay koox hubeysan oo katirsan Daacish ku qaadeen tiyaatar uu ka socday bandhig faneed oo kuyaalla magaalada Crocus ee dalka Ruushka.

Tirada dhimashada ayaa hadda kor u dhaaftay 110-qof, halka dhaawacana uu intaasi kasii badan yahay, waxaana laga cabsi qabaa in inta hadda la ogyahay kasii bataan khasaaraha dhimasho ee weerarka ka dhashay.

Gudoomiyaha gobolka Moscow,Andrei Vorobyov, ayaa sheegay in ay wadaan dedaalo lagula tacaalayo dadka waxyeelada kasoo gaartay weerarka tiyaatarka ka dhacay, waxa uuna sheegay in suurto gal tahay in khasaaraha sii kordho.

Goobta weerarka lagu qaaday oo aheyd tiyaatar ay dad badan ku sugnaayeen ayaa mar qura waxaa lagu ekeeyay weerar ay fuliyeen shan nin oo qoryo iyo bambooyin ku hubeysnaa, waxaana dab uu qabsaday saqafka kore ee tiyaatarka.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeyeey kulankii Baarlamaanka iyo Buuq Maantay Hareeyey
Next articleFaahfaahin Burcad-badeedii Soomaaliyeed ee afduubatay Markabkii MV Ruen oo la geeyay Mumbai (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here