Home Wararka Maanta Faahfaahin 4-ta qodob ee Xasan uu la wadaag madaxda Jaamacadda Carabta

Faahfaahin 4-ta qodob ee Xasan uu la wadaag madaxda Jaamacadda Carabta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb-galay meertada 32-aad ee shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta ayaa ka jeediyay khudbad uu uga hadlay horumarka ka jira dalka, fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu Boqorrada, Amiirrada, Madaxweyneyaasha iyo Hoggaamiyeyaasha Carbeed la wadaagay afar arrimood muhiim ah, kuwaasi oo kala ah; 1- Gulufka dagaalka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, 2- La-wareegida ciidanka Soomaaliyeed ee amniga dalka, 3- Hiigsiyada qaran ee deyn cafinta iyo 4- Xasillinta siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waddo howl-gallo qorsheysan oo dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab, loona diyaarinayo ciidanka Soomaaliyeed in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, iyada oo ay qorsheyaashaas barbar socdaan hiigsiyo qaran oo ku aaddan deyn cafinta Soomaaliya iyo xasilinta siyaasadeed ee dalka.

“Waa inaan dardar-gelinno iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga heer Carbeed. Soomaaliya maanta waxay ka soo kabanaysaa duruufo adag oo ay dhabar adeyg ku wajaheen shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan rajaynaynaa in aad sii laba jibaartaan garab istaagga walaalnimada ah ee aad noo muujiseen. Soomaaliya xasilloon oo hurumarsan waxay guul u tahay dhammaan dalalka Carabta.”

Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan dib ugu soo noqoshada Jamhuuriyadda Suuriya ee madasha Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale waxa uu dhanka kale xoojiyey baaqii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahnaa walaalaha dalka Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, wada-hadallna ku dhameeyaan xaaladda ka taagan dalkaas.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu hoggaamiyeyaasha xasuusiyey in dalalka Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ugu horreeyaan amni xumo, xasillooni darro siyaasadeed iyo dhibaatooyin dhaqaale.

Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha ku baaqay in loo midoobo sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas, uu kaga dhawaajiyay khudbadiisa uu ka jeediyay meertada 32-aad ee shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleEdna Aadan: “Waxaan aaminsanahay in diimaha badankoodu ay isku mid yihiin,” waxayna faraan mabaadii isku mid
Next articleIMF Oo Soo Gabagabeeysay Dib -U – Eegistii 5aad Ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya